Waxaan maanta magaaladda caasimada ah ee muqdisho soo gaaray wafdi ka soco dowladda qatar ee uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda ee Qatar Maxamed Bin Cabdulraxman Al-Thani oo qaab qarsoodi ah ku yimid dalka kaddib shir uu magaalada Addis Ababa kula yeeshay RW Itoobiya Abiye Axmed subaxii hore ee maanta inta aanu soo gaarin magaalada Muqdisho.
Warfida waxaa si tooska u qaabilay RW Xasan Cali Khayre oo ay hareerihiisa fadhiyaan Madaxweynihii hore ee Galmudud Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”, Sanetor Cabdi Axmed Dhuxulow “Dhagdheer”. Kulanka labada dhinac aya waxa ka maqnaa xubnaha golaha wasiirada.
RW Kheyre aya sheegay in dowladda Qatar ay heshiis la saxiixdeen taasoo lagu dhisi doonaa dekedda Hobyo, inkastoo mashaariicda ay mar walba Qatar balan qaado aysan wax ka hergalin oo ay noqdaan “qawda maqashii waxna ha u qaban”. sida wadada Afgooye iyo Muqdisho, iyo wadada Jowhar iyo Muqdisho.
Ilo wareedyo goob joog ka aha kulanka aya MOL u xaqiijiyay in kulanka si qoto dheer looga hadlay:
- Shidaalka Soomaaliya, gaar ahaan ceelasha Hobyo.
- Khilaafka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah.
- Waxa si gaar ah looga hadlay xiriirka sii xumaaday ee u dhexeeye Puntland, Jubbaland iyo dowladda Federaalka ah.
Ilo wareedyada aya noo sheegay in RW Kheyre uu sheegay in ay xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo xafiiskiisa iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaa kale uu hoosta ka xariiqay in xafiiskiisa iyo xafiiska Madaxweyne Deni uu yahay mid aa u sareeya.
RW Kheyre ayaa sheegay “Aniga iyo madaxweyneyaasha gobalada waxaan leenahay xiriir joogto ah iyo wada hadal, wax dhib ah nama dhexyaalaan tuseele Madaxwynaha jubaland iyo aniga lix bilood ka hore waxaan galnay heshiis, Madaxweynaha Puntland waxaa isagana naga dhaxeeya saaxiibtinimo fog, waxaana wada leenahay saaxiibo kale oo noo dhaxeeya aniga Madaxweyne Deni”
Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa sidoo kale muujiyay xiriir tiirarkiisu adag yihiin inuu kala dhaxeeyo Dowladda Kenya iyo isaga shaqsi ahaan, waxaa jira ayuu jiri “Xafiiskeyga waxaa ka shaqeeya dad tayo leh oo ah muwaadiniin kenyan ah oo aan ugu tala galay in ay wanaajiyaan xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Safarka maanta uu ku yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar aya waxaa muujinaya in xiriirka RW Kheyre iyo MW Farmaajo uu gabaabsi taagan yahay, waxaana MOL ay u sheegeen shaqsiyaad aad ugu dhow xafiiska MW Farmaajo in aanu wax war ah u hayn imaatinka kadiska ah ee wafdiga Qatar ay saaka ku yimaadeen magaalada Muqdisho.
Ujeedka ugu weyn ee socdaalka maanta aya waxa ragga falanqeeya siyaasadda waxa ay ku tilmaameen in uu daba socda heshiis dhawaan ay Dowladda Qatar ku iibsatay laba ceel oo ka mid ah kuwa Kenya ay ku leedahay Badweynta Hindiya, waxaana jira xiriir hoose ka dhexeeya RW Kheyre iyo Qatar kaasoo salka ku haya sidii Qatar looga iibin lahaa ceelasha SOMA OIL ee ku yaal xeebaha Hobyo. Waana sababta shirka loo keenay Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf kaasoo si maqaar saar ah shirka loo keenay maadaama uu RW Kheyre dumiyay dowlad Goboleedka Galmudug.