[XOG] Maxaa kala qabsaday Rooble iyo Wasiirada taageersanaa Farmaajo?

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag uga hadlay isku daygii Maxamed C/llaahi Farmaajo ee shaqo ka joojinta iyo ciidamadii la wareegay xafiiskiisa.

Kulankii Golaha Wasiirada ee xalay ayuu Rooble si kulul u canaantay xubnaha Golaha Wasiirada, isagoo weydiiyay go’aankii ay ka qaateen wixii ka dhacay xafiiskiisa iyo kan Golaha Wasiirada, wuxuuna si cad ugu sheegay in wasiir kasta ay waajib ku ahayd inuu difaaco duullaankii lagu soo qaaday Xukuumadda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku goodiyey inuusan ka hari doonin madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayna sharciga ku kala bixi doonaan, wuxuuna amray inay Golaha Wasiirada soo saaran Go’aan lagu cambaareeyo falkaasi, isaguna magacaabi doono Guddi baaritaan.

Wasiiradii taageersanaa Farmaajo oo la filayay inay shirka hadlaan ayaa qaaday tallaabo lama filaan ahayd markii aay ka gaabsadeen inay shirka ka hadlaan ama Ra’iisal wasaaraha hadal kusoo celiyaan.

Dhinaca kale wasiiro isku dayey waanwaan ay ka dhex sameeyaan Farmaajo iyo Rooble oo uu ka mid yahay Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa iyaguna ka aamusay go’aanka adag ee Ra’iisal wasaaraha, waxayna dhammaantood qaateen go’aan ayna isla ogeyn oo ah inay aamusaan.

Go’aankii uu soo jeediyey Ra’iisal wasaare Rooble ee cambaareynta falkii uu ku kacay Farmaajo iyo Guddi baaritaan oo ayey Shirkaasi ku ansixiyeen Golaha Wasiirada, iyadoo wasiirada qaarkood laga dareemi karo inay xaaladda raali ka ahayn.