Xog: Maxaa ka jira in Villa Soomaaliya Qorsheeyneeyso Waqti Kororsi  Xildhibaan Cosoble oo Afka furtay!!

Reading Time: < 1 minute

Hogaamiyaha  xisbiga Ileys  Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaaa ka hadlau damac qalafsan oo ay rabaan in ay mudo kororsi ku sameeystaan Kooxda Villa Soomaaliya,waxaana uu ka digay in aysan taas dhicin oo laga qabar-haayo.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa waxaa uu sheegay in hada la qorsheeynaayo qaabkii dib loogu dhigi lahaa doorashada taasi oo hada laga sii shaqeeynaayo sida uu yiri Mudane Cosoble.

Waxaa uu soo hadal qaaday hadal uu jeediayay 2-bil ka hor Madaxweyne Farmaajo kaas oo aan ilaa iyo hada meelna lagasoo qaadin islamarkaana u ekaa afka uun.

“Labo bil ka hor ayay aheyd markii madaxweynaha uu dalbaday in sharciga doorashada la gudbiyo, walina lama gudbin, waxaana laga yaabaa in taasi ay sababto in ugu dambeyn madaxda dalka ay dalbadaan labo ama hal sano oo dheeri ah, haddii aan wax badan la eegin”ayuu yiri Xidhibaan C/qaador Cosoble.

Dhanka kale Hogaamiyaha  xisbiga Ileys  Xildhibaan C/qaadir Cosoble waxaa uu ku booriyay daneeyayaasha arrimaha Siyaasadda Soomaaliya in ay taas u toog hayaan.

“Waxaa ii muuqata markaan xukuumadda fiiriyo, in la daahinayo u diyaar garowga Doorashada, lama diiwaan gelin dadkii doorashada aadi lahaa, sharciga doorashada lama keenin baarlamaanka, waxaa fiican oo muhiim ah shacabka inay ogaadaan labo ka hor doorashada dhaceyso nooca ay tahay, waa nasiib daro in masuulkii la doorto afar sano kadib inuu ka fakaro sidii xilka uu kusii haysan lahaa”

Kooxda Nada iyo nolol oo aan laheeyn Xishood iyo gambasho ayaa waxaa laga yabaa in ay qaado talaabadaani oo la is oran karo waa tii dalka dib ugu celin laheed Colaad

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!