[XOG] Mareykanka oo cunaqabateynaya Lafta Gareen hadduu diido kasoo qeybgalka Shirka Madasha

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan (Lafta-gareen) ayaa cadaadis lagu saaray inuu ka qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga ee uu ku baaqay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wakiilada Beesha Caalamka oo xiriiro la sameeyay Lafta-gareen ayaa ka dalbaday inuu tago Muqdisho, kana qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga ee Ra’iisal wasaaraha, iyadoo uu hore Lafta-gareen u qaadacay shirkaasi, isla markaana uu shaaciyey inuu kaqeyb galayo shirka uu ku baaqay Farmaajo.

Cadaadiska Beesha Caalamka saartay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inuu aqbalo, iyadoo sidoo kale Mareykanka uu Farmaajo ka dalbaday inuu taageero Ra’iisal wasaaraha iyo shirka uu hoggaaminayo ee Golaha Wadatashiga.

Mareykanka ayaa u sheegay Laftagreen hadduu qaadaco shirka in uu la saari doono cunaqabateyn loona aqoonsan doono in uu yahay qaswade.

Xiriirka Rooble iyo Lafta-gareen ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay markii xukuumadda Rooble ay soo furtay Kiiska Sheekh Mukhtaar Roobow oo si weyn uga careysiiyay madaxweynaha K/Galbeed iyo madaxda maamulkaasi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!