(Xog) Maraykanka oo kala baxay dadkiisa (Xarunta Xalane), dagaal sokeeye oo looga baqayo Soomaaliya

Reading Time: 2 minutes
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.

Iyada oo dowlada Maraykanka horay ugala baxday Soomaaliya dadkii muwaadiniinteeda shaqaalihii safaarada iyo ciidank ka jooga dalka Soomaaliya, ayaa waxaa sidoo kala la amray in Somalia ay ka baxaan muwaadiniinta Maraykanka ah ama u shaqeeynayay dalka Maraykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqadisho.

Waxaa sidoo kale horay dadkeeda ugala baxay Soomaaliya Dowladaha Turkiga, Ingiriiska iyo dhamaan wadamada degan waqooyiga Yurub ee la isku yiraahdo Scandanevian.  Dhanka kale dowladaha Maraykanka iyo Canada ayaa ayagana diyaarad ku soo qaaday intii u dhalatay dalkooda ee sugnaa Muqadishu, qaatayna talada dalalka ay dhalashada ka haystaan ee Maraykanka iyo Canada.

Waxa asbuuca soo socda gabi ahaanba ka bixi doona Soomaaliya dublamaasiyiinta dalalka, Kenya, Talyaaniga, Masar, france, Midowga Africa. Waxa soo ifbaxaya in sirdoonka dalalka caalamka  ay u muuqatay in Soomaaliya dagaal sookeeye ka dhacayo, taas oo khatar ku ah muwaadiniintooda ku sugan dalka Soomaaliya.

Ma aha kaliya in dagaal sokeeye ka dhacayo  Soomaaloya , laakiin asbuucyada soo socda ayaa waxaa laga yabaa in magaaada Muqadishu la keeno ciidamo wadamo shisheeye ka socda, taas la hubo in ay sii hurin doonto  dagaal beeleed iyo mid lagula dagaalayo cidaamadaas.  Dadka ku dhaqan Muqadisho ayaa horay dagaal wada jira ugu qaaday ciidankii Itoobiya ee la doonayay in dalka lagu qabsado, hadana waa muuqado in dalka la keenayo ciidamo ka socda sadax wadan oo dhmaantooda ka socda wadamo shacabka Soomaaliyeed cuqdo ka qabaan amaba uu horay dagaal uga dhex-dhacay.

Waa markii ugu horeeysay oo dublamasiyiinta caalamka ay gabi ahaanba isaga baxaan dalka ayaga iyo shaqaalahooda, gaar ahaan  magalaada Muqadisho.