(Xog) Madaxweynaha Puntland oo iclaamiyay shir lagu badbaadinayo xaaladda siyaasadda ee cakiran

Reading Time: 2 minutes

Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Puntland aya MOL u xaqiijiyay in Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni uu xalay kaga dhawaaqay magaalada Garowe shir wadatashi ah oo labada (2) bisha May isugu imaanayaan Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada, shirkan ayaa noqon doonin mid qaata magaca Golaha Amniga Qaranka, balse uu yahay shir wadatashi ah oo looga arrinsanayo arrimaha siyaasadda iyo marxaladaha uu dalka marayo.

MW Deni iyo ku xigeenkiisa oo shir albaabada u xiran yahay la yeeshay wakiilada Puntland ee Aqalka Sare oo uu hormuud u ahaa Senator Faroole ayaa waxaa ka soo baxay go’aanka in la isugu yeero dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka shir looga arrinsanay siyaasadda cakiran ee ka jirta Soomaaliya.

Waxaa usbuucii hore shir ku qabtay magaalada Nairobi siyaasiyiin iyo xildhibaano kuwaasoo ka soo saaray baaq in dowladda ay la timaado isbadal dhab ah inta ka horreeysa bisha Juun ee foodda nagu soo haysa.

Waxaa sidoo kale xafladdii daah furka xisbiga Himilo ee shalay ka dhacday Muqdisho ka hadlay MW Xasan Sheekh iyo MW Sheekh Shariif oo labada dhaliilay qaabka ay u wax u wadaan kooxda Villa Somalia iyagoo ka digay in aan marnaba la qaadan doonin in dalka dib loogu celiyo nidaam kaligii talis ah.

MOL oo la hadashay howlwadeeno ka tirsan Villa Somalia ayaa loo sheegay in aanu soo gaarin warka uu sheegay Hoggaamiyaha Puntland Saciid Dani balse laga warsugayo jawaabta ay ka bixiyaan. Howl wadeenkan oo naga codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa noo sheegay in uu hubo in aanu RW Kheyre ka qeyb gali doonin shirkaas haddii uu ogolaado MW Farmaajo.

Waxaa habeenimadii xalay ahaa la baajiyay dhammaan siyaasiyiintii iyo xildhibaanadii ballanta la lahaa MW Farmaajo waxaana shir socday muddo ka badan lix saacadood wada galay MW Farmaajo, RW Kheyre iyo Fahad Yasin shirkaas oo looga arrinsanayay xaaladda murugsan ee soo wajahday kooxda Villa Somalia xilli ay la daala dhacayaan dhaqaale xumo iyo iyagoo waayay taageeradii shacabka iyo tii beesha caalamka.