[XOG] Loolanka loogu jiro Kursiga HOP064 oo galey weji cusub & Musharax looga yeeray Maxkamad

Reading Time: 2 minutes

Dagaal siyaasadeed, mid beeleed iyo Dacwad ayaa hareeyay kursiga HOP#064 oo ah kursi ku asteysnaa qoonde haween, waxayna xaaladiisu gaartay inay soo dhex gasho Dacwad oo mid ka mida Musharaxiinta looga yeero Maxkamad.

Kursigan HOP#064 oo ay leedahay Beesha Absuge/Waceysle waxaa hore ugu fadhiday Sahra Cumar Maalin, waxaana sanadkan ololaha loogu jiro uu ku bilowday in laga saaro qoondada haweenka.

Qeyb ahaan ayaa lagu guuleystay arrintaas iyadoo lala kaashaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana dhacday in Guddiga Doorashada Galmudug uu ka saaray qoondadii haween, sida ku cad qoraalkii Guddiga Doorashada Galmudug soo saaray 12-ka Janaayoi 2022.

Soo hormarinta Doorashada kursiga HOP#064 iyo ka saarista qoondada haweenka wuxuu bilow u ahayd dagaal iyo loolan kale oo kursigan dib ugu laabtay, kadib doorashadii 2016 oo laga dhigay kursigii ugu danbeeyay si uu qoonde haween u noqdo. Waxaana markaas gacan weyn ku lahayd madaxtooyada Soomaaliya.

Arrintu waxay cirka isku shareertay markii Maxkamadda Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ay maanta soo saartay Warqad loogu yeeray ganacsade Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) inuu ku hor yimaado Maxkamadda 23-ka Janaayo 2022, waxaana lagu wargeliyey inay dacwad ka taallo.

Ganacsade Maxamed Cajiib oo xiriir la leh madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inuu musharax u yahay kursigan HOP064, waana markii labaad ee uu doonayo inuu kursigan ku guuleysto, kadib guuldarradii kasoo wajahday Doorashadii 2016.

Qoraal kale ayaa lagu baahiyey Baraha bulshada, kaasoo uu soo saaray xeer ilaaliyaha Galmudug, waxaan loogu soo jeediyey Maxkamadda Galgaduud inay baabi’iso dacwadda loo heysto Ganacsade Maxamed Cajiib, wuxuuna arrintaas sabab uga dhigay in la-dacweeyaha degan yahay meel ka baxsan awooda Maxkamadda.

Waxaa kaloo kursigan tartankiisa kusoo biiray jufooyin kale oo ka mida Beesha Waceysle (Maxamed Cadde iyo Eybakar Gaab), iyadoo ay tani ka mid tahay xaaladda ay gashay doorashada dadban ee 2022.

Ka sokow sax ahaanshaha dacwadda iyo khilaafka Hay’adaha Garsoorka Galmudug, wuxuu kursigan mar kale dhexda u galay loolan marka qofna doonayo uu gacan uga helayo cidda ka talisa Madaxtooyada Soomaaliya iyo markan oo awoodii ay la wareegeen madaxda maamul Goboleedyada.