(XOG) Kulankii shalay ee beelaha Dagoodi & Murusade- lacagtii Kheyre laga dhacay oo fashil ku dhamaaday

Reading Time: 2 minutes

Waxaa labadii maalin ee u danbeeysay ka socday magalaadda Nairobi ee dalka Kenya kulamo gaar-gaar ah oo ay yeelanayeen Ganacsato iyo odoyaal ka soo jeeda beelaha Murusade  iyo Dagoodi. Odoyaasha Murusade ayaa wakiil ka ahaa Xasan Cali Kheyre, halka waxgaradka ka socday beesha Dagoodi ay wakiil ahaayeen qaareenka Cabdi Daa’uud iyo walaalkii Cali Daa’uud.

Kulamadaan ayaa la xiriiray lacag uu sheegtay Xasan Kheyre in ay ka dhaceen labo nin oo walaalo ah oo  uu ganacsi iyo hanti isku jirtay. Labada nin oo Soomaali-Kenyan ayaa la sheegayaa inay Xasan Kheyre si wadajira uga dhaceen lacag lagu sheegay $16 Milyan oo doolar, lacagtaas ayaana ahaa lacago markeedii hore laga soo dhacay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Kulankii u danbeeyay ayaa shalan galinkii hore waxa uu ka dhacay Hoteelka lagu magacaabo Mövenpick, dabaqiisa lixaad, oo ku yaalo xaafadda Parklands ee magalaada Nairobi ee dalka Kenya. Kulanka oo ahaa mid uu codsaday Xasan Kheyre ayuu ku doonayay in xal loogu helo lacag uu sheegtay in laga dhacay.

Xasan Kheyre ayaa ka baqaayay in hadii uu  dacwad ka geeyo labada nin ee walaalaha maxkamadaha dalka  Kenya ay imaanayso su’aalaha ah cadaymo meesha  uu lacagta ka keenay? sida ay ku timid lacagtaa dalka Kenya? iyo qaabka looga dhacay?. Hadaba si uga badbaado su’aalahaas ayuu ka codsaday beeshiisa Murusade inay la kulmaan beesha Dagoodi si xal  looga gaaro lacagta uu sheegtay in laga dhacay.

Sida MOL ay u xaqiijeen dad xog’ogaal u ah dacwada lacagta kana tirsan beesha Mursade, Odoyaasha beesha Dagoodi ee ka qayb-galay kulankii shalay ee Hoteelka Mövenpick ayaa diiday in ay dhexgalaan dacawada  lacag la isku haysto.

“walaalaheen Karanle,  waxaas u sheegaynaa ,  anaga waxba kama galno lacag aan markeedii hore meel ay  ka timid aan la aqoonin.  Anagana Dagoodiye aa nala dhahaa xalaal waxaan ahayn ma cuno, lacag, he,  aan la ogaynin meeleys ka timid, oo u badan tahay in Soomaali laga soo dhacay ama xaday, inkaarteeda dusha ma saaran karno”,Sidaas waxaa yiri mid kamida odoyaashii Beesha Dagoodi ee ku sugnaa shirkii shalay ka dhacay Nairobi.

Sida ay sheegayaan xogaha soo gaaray MOL, qayb-kamida lacagta waxa  la dhacay markii uu Xasan Kheyre ahaa Ra’iisal Wasaaraha,. Lacagtaas waxa lagu soo qaaday magaca dowlada Soomaaliya iyada oo la sheegay in lagu xalinayo dhibaatin  ka dhashay bay’adda, ama waxa afka-qalaad lagu yiraahdo Enviromental crisis.

Xiliga lacagtaa ay deeq ahaan u timid  xafiiska Ra’iisal Wasaaraha waxa xafiiska Kheyre  la taliye ka ahaa nin lagu magacaabo Ali Daa’ud oo la dhashay Qareenka Aadan Daaud, kaas oo uu ganacsi badan kala dhaxeeyo Xasan Cali Kheyre.

Kulankii shalay ugu danbeeyntii waxaa lagu balamay in markale dib la isugu soo noqo, taas oo macnaheedu ahayd in uu fashil ku soo dhaamaaday kulankii uu Xasan Kheyre codsaday.  Dhanka kale, beesha Murusade ayaa dhankooda u deyrisay Xasan Kheyre iyaga oo kula taliyay in uu ka sabro lacagtaas hadii kale ay ceebtiisa banaanka imaan doonto xili aan fogaynin.

Xasan Kherye ayaa gabi ahaanba waxaa laga dhacay lacagtii uu markiisii hore ka soo dhacay umadda Soomaaliyeed. Waxa uuna haatan ku sugan yahay  magalaadda Nairob, halkaas oo  uu mudo ka badan  bil uu ku sugnaa  isaga oo raadinayo qaabkii  uu ku soo ceshan lahaa  lacagtii laga dhacay.