(Xog) Kulankii Ictisaam ee Nairobi oo go’aano hordhac ah ka soo baxeen iyo isfaham guud

Reading Time: 3 minutes

Waxaa dhowrkii asbuuc ee u danbeeysay ka socday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya kulan ay isugu yimaadeen qaar kamida madaxda urur diimeedka Ictisaam iyo urur diineedyada ay xulufada yihiin.

Kulankaan ayaa daba socday kulamo horay uga dhacay magaalooyinka kale oo ay ka mid yihiin; magalaada Kismaanyo iyo degaano hoos yimaado magalaada Burco ee Somaliland.  Kulamadaaan ayaana looga xaajoonaayay doorka urur diimeedka Al Ictisaam ee ku abtirsada ururka Al Itixaad Al Islaamiya.

Kulankii u danbeeyay oo uu hogaanka u hayay Shiikh Bashiir Salaad oo hada dowlada Farmaajo u aqoonsatay in uu madax u yahay culumada Soomaaliyeed ayaa  dhowr asbuuc ku sugnaa magaaladda Nairobi isaga oo hagaya kulanka madaxda ururka.

 

Sida ay MOL u xaqiijiyeen ilo ku dhaw kulamadii aan loo kala kicin ee looga hadlayay doorka ururka diimeedka Ictisaam ee doorashada dhawaan la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya ayaa  waxaa ugu danbeeyntii laga gaaray is-faham hordhac ah.

Kulanka oo ay qadka taleefanka uga soo qayb-galeen rag uu ku jiro Dahir Maxamuud Guuleed oo isagu saaxiib dhaw la ah Shiikh Bashiir Salaad qaybna ka ah gudoonka sare ee ururka Ictisaam ayaa codsaday in dhaqaale ahaan lagu taageero isaga. Halka rag kale oo aan soo hadlin ay  fartiin u soo dirsadeen ururka, kaas  uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdulqadir Cosoble.

Kulanka oo ujeedo badnaa ayaa waxaa dhaqaalahiisa bixiyay Fahad Yasin oo wakiil ka ah MW Farmaajo. Fahad ayaa ku adkeysanaayay in aan laga leexan go’aankii horay loogu gaaray sanadkii hore magalaada Nairbo ee ahaa in Farmaajo lala safto.

Kulanka ayaa ugu dambeeyntii la isku afgartay in Kooxaha ka garab ordaya Farmaajo  oo ka tirsan ururka ay isgaabiyaan iyada oo loo balan qaaday in wixii dhaqale ka baxay dib loogu celin doono.

Fahad ayaa fartiin uu soo diray ku sheegay in uu horay uga dhaadhiciyay raga hamiga keh ee ka tirsan ururka in loo celiyo wixii dhaqaale ah eek a baxay, raali ay ku noqdaan in ay taageeraan Farmaajo. Waxa uu Fahad ka biyo diiday waxa uu ku sheegay Qorshaha labaad ee “Plan B”. Waxa uuna ku adkeysanayaa in Farmaajo lala dhinto.

Sida MOL loo xaqiijiyay, Fahad Yaasin ayaa hada waxa dhaqaale ku bixiyaa Dahir Maxamuud Geele iyo qaarkale isaga oo bixiyo biilasha gurigiisa ku baxaya iyo ijaarka gurigiisa. Dahir ayaana la filayaa in dhawalahaan  laga hadal siiyo si uu u aflagaadeeyo ama u eedeeeyo  kooxaha uu Farmaajo ka baqayo oo uu ku jiro Saciid Deni.

Fahad ayaa ay ka go’an tahay in uu isku hayo hogaanka Ictisaam iyo dowlada Farmaajo kuwaas oo haatan wada shaqeeysta.

Dhanka kale Shiikh Maxamed Idiris oo kamida culumada xulufada la ah madaxda urur diimeedka Ictisaam ayaa gabi ahaanba ka soo horjeestay in dib loo taageero Farmaajo iyo kooxaha uu ku tilmaamay inay hadaba gacanta ugu jiraan Fahad iyo Farmaajo.

Wadaadka lagu magacaabo Shhikh Cabdirizak Jiir ama Janaraalka sida dadku ugu yaqaanan oo saameyn weyn ku leh urur diimeedyada mayalka adag ayaa dhankiisa ku adkeeystay in aan laga leeexan wadadii uu ururka ku socday ee ahayd in la kordhiyo taageerada Farmaajo.

“aniga waxaa qabaan  waqtiga  hada la joogo in uusan jirin qof noo dhaamo Farmaajo oo aan aan haysano halyay madal adag .. Yaan la fududaan ee aan iyaga ku toowfiiqno” ayuu yiri Shiikh Jiir.

Xogag kala ayaa sheegaya in Shiikh Shariff Shiikh Axmad uu dhankiisa ergo soo dirsaday  isaga oo codsaday in la caawiyo, laakiin codsigiisa ayaanba la dhageysan.

Shiikh Sharif ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu saxo qaladaadkii uu horay u galay, diintana uu u hiilin doono.

Shiikh Sharif ayaa kooxo kale oo urur diimeed kula jiro heshiis isaga oo ay heyso dhaqaale xumo baahsan oo aad u saaameysay ololahiisa.