[XOG] Kulan magaalada Doha dhex maray Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar

Reading Time: < 1 minute

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa saaka magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha xilka sii haya ee mudo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka labada dhinac ayaa sida ay qortay Wakaalada Wararka ee dalka Qatar, waxaa looga hadlay xiriirka iskaashi ee labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, loogana horumarin lahaa dhinacyada kala duwan, iyadoo sidoo kale arrimo dhowr ah oo khuseeya gobolka iyo caalamka.

Farmaajo ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay Amiirka dalka Qatar Tamin Bin Hamad, isagoo uga mahadceliyey dadaalka ay ugu jirto dowladda Qatar sida uu yiri iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaoda, gaar ahaan dhinacyada horumarka iyo dhaqaalaha.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Qatar Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani, Sheikh Saud bin Abdul Rahman Al Thani, madaxa Maxkamadda Emiri iyo Mudane Sheikh Mohammed bin Hamad bin Qassim Al Thani, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

Waxaa dhanka Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Khaliif Cabdi Cumar oo ah wasiirka kaliya ee Farmaajo ku wehliya safakiisa dalka Qatar.

Warar hore usoo baxay ayaa lagu ogaaday in madaxada dowladda Qatar ay Farmaajo kala hadlayaan arrimaha Doorashada iyo taageerada Farmajo ku doonayo inuu mar kale kusoo noqdo xilka taasoo Qatar u aragto mid aan suurtagal ahayn wakhtigaaan.