[Xog] Itoobiya oo ku cadaadisay [Farmaajo] in uu sameysto muddo kororsi si [Abiye Axmed] looga qaado culeyska

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegeen ilo diblomaasi oo ka tirsan ururka Midowga Africa, ayaa sheegaya in uu RW Itoobiya Abiye Axmed uu ku cadaadiyay in uu Farmaajo sameysto muddo korosi laba sano ah.

Ujeedka Itoobiya ayaa lagu sheegay in uu yahay uu dagaal sokeeye markale dib uga qarxo Soomaaliya si iyaga looga qaado culeyska aay saareen Beesha Caalamka gaar ahaan Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Abiye Axmed ayaa aaminsan haddii dagaal sokeeye ka qarxo Soomaaliya in uu helayo fursad uu isaga qaado culeysyada ka haysta kaddib xasuuqii uu ka geystay Gobolka Tigray, iyadoo lagu eedeeyay in ciidamadiisa aay halkaa ka geysteen xasuuq shacab, dhac dil iyo kufsi loo geystay carruur iyo haween.

Haddaba haddii uu Soomaaliya ka bilowdo dagaal sokeeya, waxaa uu Abiye Axmed ka rajo qabaa in uu qeyb ka noqdo xalka Soomaaliya taasoo siineysa fursad in laga qaado cadaadiska aay reer Galbeedka ku hayaan Dowladdiisa.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa raba in uu Soomaaliya geliyo dagaal sokeeye mar labaad isagoo markaan u adeegaya Itoobiya. Waa taariikh xumo uu Farmaajo ku reebay Soomaaliya in uu dalkiisa burburiyo si uu u badbaadiyo Itoobiya.