(Xog) Isbedel lagu sameeynayo hoggaanka ciidanka xilli uu dalka galay xaalad adag

Reading Time: 2 minutes
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]

MW Farmaajo ayaa qorsheynaya in uu isbedel ku sameeyo taliska guud ee ciidamada qalabaka sida MOL ay ogaatay.

MW Farmaajo oo aanan u muuqan in uu rabo in dalka ay ka dhacdo doorasho ayaa qorsheeyay in uu taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed u magacaabo wiil dhalin yaro ah oo La taliyihiisa Amniga Cabdi Saciid Muuse uu ka keenay Puntland kaasoo hadda ku magacaaban Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. C/Xamiid Maxamed Dirir. 

MW Farmaajo ayaa xilka ka qaadayo Taliyaha CXDS Gen. Odawaa kaasoo horay u soo noqday Taliyaha Ciidanka Lugta, Labadan dhalinyaro ayaanan lahayn khibrad ciidan, aqoon iyo waayo aragnimo ku filan ay ku hoggaamiyaan taliska CXDS.

Waxaa sidoo kale MW Farmaajo uu qorsheeyay in uu Taliska Booliiska Soomaaliyeed u magacaabo shaqsi aanan helin magaciisa balse MOL loo sheegay in uu ka soo jeedo beesha Ogaadeen.

Taliyaha hadda xilka haya aya loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sucuudiga waxaana laga warsugayaa in ay boqortooyada soo aqbasho safiirnimadiisa inta aanu xilka wareejin, sida ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ay MOL u xaqiijiyeen.

Waxaa sidoo kale uu MW Farmaajo qorsheeyay in uu Hay’adda NISA u magacaabo Cabdullaahi Kullane (Jiis Mariixaan) Waxaana lagu wadaa in uu Fahad Yasin iska casili doona agaasinka hay’adda NISA, kaddib cadaadis badan oo Farmaajo kaga yimid wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya oo ka biyo diiday in ay la shaqeeyaan Fahad Yasin.

Waxaa cad in MW Farmaajo uu hayo kuna dhaqmayo siyaasaddi kaligii taliskii Maxamed Siyaad Barre, waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay welwel xoog leh ka qabaan in uu dalka markale ka dhaco dagaal sokeeye.