(Xog) In ka badan 54 ka mid ah shaqaalaha DF oo shaqada isaga tagay Fahad Yasin dartiis

Reading Time: < 1 minute

Warar hada nasoo gaaray ayaa sheegey in 54 qof oo shaqaalaha rayidka ah ee ku Dowladda Federalka ah ka tirsanaa mudo ka badan sagaal sano ay badankood shaqada iska casileen, Kadib markii ay cadaadis joogto ah kala kulmeen hogaanka sare Hay’adda Nabadsugidda Dowladda Federalka ah Fahad Yasin.

Wasaaradaha shaqaalaha ay iska casileen waxaa ka mid ah Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dedekada, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Qorsheynta.

Shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa la soo gudboonaaday cadaadis xoog leh iyadoo dhowaanahanba la saarayey cadaadis u muuqda in dano gaar ah laga leeyahay.

Guddiga shaqaalaha oo wakhtigoo uu dhamaaday ayaanan laheyn awood ay ku difaacaa xuquuqda shaqaalaha rayidka, iyagoo ka baqaya in la kala eryo.

Ma jiro ilaa hadda ururo u dooday ama ka xor yimid dhibaatadda la soo gudboonaatey shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliyeed.