Iyadoo doorashadii guddoonka Barlamanka ay soo dhamaatay oo la doortay guddoon cusub, waxayna ahayd neef ka soo fuqday shacbiga Somaliyeed kadib markii la soo maray 5 sano oo aad u adag oo golaha si xun ay ugu tumatay xukuumadda oo uu gadaal ka riixayaey madaxweynaha hadda uu waqtigiisa dhamaaday Farmajo.
Dhanka kale dowlanimada kaliya ma dilin Farmajo ee waxaa uu dilay fekerka waddaniyadda la yiraahdo oo maanta qofkii sheegtaa loo macneysanayo inuu ujeeddo gaar ah ka leeyahay. Dad badan ayaa qalbiga Somalida ku xanta xanteeya waaddaniyadda oo ay xataa ku jiraa ajaanib sida Farax Macallin iyo Cabdiwahaab Sh Cabdisamad oo isaga is afduubay si uu caan u noqdo, kadibna isa soo daayey. Labadooda waxay ka qaaqleeyaan Baraha Bulshada oo ay waddaniyad iskaga ooysiiyaan si aan dhaqaale uga helaan NN.
Shacbiga somaliyeed aad iyo aad ayey ugu farxeen inhalkan la soo gaaro oo guddoon la doorto iydoo laga soo gudbay caqabad walba oo uu Farmajo u dhigayey sidii uu fashilin lahaa inaan aysan doorasho dhicin.
Laakiin weli ma dhamaan caqabad abuurkii ay wadeen Fahad iyo Farmajo oo hadda ayey ku kaba qaateen sidii loo afduubi lahaa, loo fashilin lahaa ama loola wareegi lahaa doorashada madaxweynaha si Farmajo loo soo celiyo ama la helo mid kale oo madiidin ah oo sii wada hagardaamooyinkii uu Farmajo soo waday.
Waxaa jirta xog hoose oo yaab leh oo ay MOL heshay taas oo muujineysa in Fahad Yasiin si degdeg ah loogu diray dalka Qatar oo ah dalka dhibaanto badan nagu hayay 5 sano ee tagtay si looga soo qaado dhaqaale xoog leh oo lagu Musuq Maaasuqo doorashada Madaxweynaha oo maalmo dhow la qaban doono haddii Eebe idankeeda leeyahay.
Xogta waxaa ka mid ah in beryahan Fahad iyo Farmajo ay wadeen kulamo ay la ay leeyihiin musharixiinta qaar ka mid si haddii Farmajo uu ka baqo inuusan ku guuleysaneynin doorashada madaxweynaha in la helo qof kale oo lagu kalsoon yahay oo aan nadiif ahayn si looga dhigo madaxdweyne dembiyada faraha badan ee la galayna uu cagta u saaro.
Ragga ugu cadcad hawshaas waxaa ka mid Xasan Cali Kheyre oo ay kulammo dhowr ah oo toos iyo telfoonba leh la qaatay kooxda Villada, kadib doorashadii guddoonka Barlamanka uu looga guuleystay dhibanayaashii ay wadatay Villada sida Xasan Cabdi Noor, Maxamed Weli iwm.
Haddaba Fahad waxaa uu aaday Dalka Qatar waxaanu doonay lacag lagu kala furfuro barlamaanka oo la doonayo in lagu iibsado xildhibaanada, balse aysan ogeyn in xildhibaanadu ka korsan yihiin intas taas oo haddii ay ku guuleystaan keeneysa:
- In Farmajo ama Kheyre ama mid kale oo hadda laga shakisan yahay baarisna aan ku wadno la rabo in lagu soo saaro, waxaana idin la wadaagi doonnaa magacyada ay rabto inay Viladda soo dhex marto.
- Ama in doorashada la wasakheeyo oo laga dhigo mid lagu shubtay kadibna loo helo qiil lagu diido si dalka uu u galo marxalad adag oo xataa keeni karta gacan ka hadal.
Waxyaabahan waxay dhacayaan iyadoo barlaamanka uu yeeshey kulankiisii ugu horreeyey oo xil wareejin ahayd, loona ballamay in dhowaan uu barlamanka qaban doono doorashada la wada sugayo oo ah tii madaxweyniihii dalkaan badbaadin lahaa oo ka saari lahaa xaaladdaan adag iyo mugdiga ay ku rideen Fahad, Farmajo iyo Kheyre.
Dhab ahaantii Xasan Kheyre waa uu ka xun yahay Framajo waayo qof isla weyn oo aan khaladkiisa loo sheegi Karin, kuna dhaqaaqaya isagoo og inay waxaasu khalad yihiin, halka Farmajo uu isku dayi jiray xeelad iyo ku gabasho waddaniyad afka baarkiisa ah, balse waxkasat oo xun lagu xaalaaleystay.
Fahad waxaa kale oo la leeyahay Waxaa uu qaaday si loo fogeeyo caddeymo la xiriira Fal dembiyeedyadii la galay5 tii sano ee tagtay, kuwaas oo laga cabsi qabo in lagu maxkamadeeyo Faramajo, Fahad, Cabdiraxman Dheere iyo Kheyre haddii dalka uu yeesho dowlad caddaalad ka shaqeyn karta.
Ugu dambeyn Xildhibaan xilkaaga u gudo sidii sharafta iyo qiimaha lahayd ee u soo saaratay gudoon aad loogu rajo weyn yahay, kaas oo haddii jidka toosan ka leexdo aad ka takhalusi kartaan. Ogaada awoodda oo dhan Ilaahay ka sokow gacantiinna ayey ku jirtaa oo dalkaan barwaaqo iyo baraare uga dhigi kartaa adinkana aad cizzi iyo Sharaf ugu noolaan kartaan.
Diida laaluush, Diida Fahad, Diida Farmajo, Diida Xasan Cali Kheyre iyo cid kasta oo NN ay dabada ka riixeyso.