(XOG) Heshiiska Qodobada hordhaca ah ee la isku waafaqay Shirka Wadatashiga Doorashada Muqdisho

Reading Time: 2 minutes

Maalinta Khamiista ah marka laga reebo ra’isul wasaararaha, madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha Banaadir ay sidoo kale kasoo qeyb galayaa madaxweyneyaashii hore Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Farmaajo ayaa lagu wadaa in marka hore war murtiyeed laga akhriyo, kadib khudbado la galo, xubnaha bulshada rayidka ayaa sidoo kale la casuumay.

Waxaa la isla meel dhigay heshiis guud ahaan laga gaaray Shirkii Qaran ee Wadatashiga Doorashada oo uu hoggaaminayey Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka oo ay ka qeyb galeen madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra’iisal wasaaraha waxaa heshiis laga gaaray 3-dii Qodob ee lagu soo kala kacay shirarkii Dhuusamareeb, iyadoo uu ka maqan yahay madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

  • 1. Qodobka ugu adkaa ee Maamulka Guddiyada Doorashada Somaliland ayaa u muuqda in lagu heshiiyay guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo magacaabo 7 xubnood halka Mahdi Guuleed uu soo magacaabayo 8 xubnood. Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland ayaa lagu qaban doonaa Afisyoone, waxaana Amniga sugaya Booliska iyo AMISOM.
  • 2. Arrinta Gedo ayaa guud ahaan la isla qaatay soo jeedintii Guddigii Farsamada ee ku shiray magaalada Baydhaba, kaasoo nuxurkiisu ahaa: In xubnaha Maamul Goboleedyada wafdi dib u heshiisiin u diraan magaalada Garbahaarey, Axmed Madoobe-na uu maamul cusub u magacaabo, iyadoo amniga Doorashada ay sugayaan Booliska AMISOM iyo Booliska magaalada.

Isla arinta Jubbaland, Waxaa si gaar ah uga shaqayn doona Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo guddiyo gaar ah u xilsaari doona si ay arrinta xal kama dambeys ah uga gaaraan.

  • 3. Waxaa lagu heshiiyay in Doorashada aay ka dhaceyso magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Kismaayo, Baydhabo, Dhuusomareeb & Garoowe. Qodobkaan ayaa inta badan la isku afgartay, balse Beesha Caalamka aay ku adkeysaneyso in la ballaariyo oo laga dhigo laba degaan doorasho iyagoo diiday in dhaqaalaha dheeraadka ah ee loo baahan yahay aay bixiyaan, waxayna Qaramada Midoobay ku doodeysaa in DF aay bixiso lacagtaas.
  • 4. Guddiyada Doorashada ee muranku ka taagnaa ayaa lagu bedelayaa Guddi cusub oo kalsooni ka heysta dhinacyda oo dhan, iyadoo dib loogu noqonayo guddiyada Doorashada ee Maamul Goboleedyada lagana saarayo ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.
  • 5. Waxaa jira qodobo ka mida heshiiska la saxiixayo oo cusub, kuwaasoo ay ka mid yihiin Marjica Guddiga xalinta khilaafaadka, Doorasho gelinta dalka iyo inay awoodda Amniga iyo xilka sii heyneyso Xukuumadda Xilgaarsiinta.
  • 6. In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.Qoondada Haweenka: In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.

    Jadwalka Doorashada: Wararka ayaa sheegaya in la dejinayo jadwal doorasho oo macquul ah iyada oo lix bil gudaheed lagu soo gabagabeyn doono dhammaan doorashooyinka 2021-ka. Inta badan waxba iskama badalayaan shuruuradaha laga rabo xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka iyo lacagta laga rabo oo $20,000 aqalka sare iyo $10,000, aqalka hoose.

    Maalgelinta: Doorashada 2021-ka, waxaa maalgelin doona deeqbixiyeyaasha caalamka iyada oo dowladda federaalka ah ay qeyb ka noqon doonto.

Wararka ayaa sheegaya in la gabagabeynayo qodobadda heshiiska is afgaradka laga gaaray iyo qancinta dhinacyo weli harsan ilaa Berri, iyadoo ay harsan tahay heshiis kama danbeys ah oo laga gaaro arrinta Somaliland, si Khamiista loo qabto xafladda saxiixa heshiiska Doorashada lagu aadayo muddo 4 bilood gudahood ah.