Waxaa labadii habeen ee la soo dhaafay ka socday magaalooyinka Darusalaam, Dubai, Muqdishu iyo Istanbul shirar ay lahaayeen ganacsato uu deyn ka qabo Madaxweynhii hore Shiikh Sharif.
Ganacsataan ayaa qaarkood waxa ay sheeganayaan in uu Shiikh Sharif uu lacag deyn ah ka qaatay in badan 8 sano halka kuwa kalana ay sheeganayaan inay lacag deyn ah ay siiyeen sanad ka hor.
Sida MOL ay ku heshay xogta, Shiikh Sharif ayaa dhowr mar ka been abuuray xaaladiisa dhaqaale isaga oo sheegay in uu heysto dhaqaale uu doorasho ku gali karo. Ganacsadata oo qaarkood uu dhaawac dhaqaale soo gaaray ayaa waxa ay sheegeen in Shiikh Sharif uu been ku soo waday mudo dhowr sano ah.
Dad xog’ogaal ah ayaa u sheegay MOL in Shiikh Sharif dadka uu lacagta ka qabaa ay ka mid yihiin ganacsato magacyadooda lagu soo koobay:
Shariif Dhagaweyne
Ganacsade Burusheeti oo ku dhaqan dalka Tanzania
Macalin Wali
Shiikh Yusuf
Shiikh Ibrahim
Ganacasade Nuux oo degan Tanzania
Gancasade Shiino oo degan dalka Tanzania
Ganacsade Nuur
Iyo qaar kale.
Wararka ka soo baxaya kulamadii labadii habeen u dunbeeyey dhacay ayaa sheegaya in Shiikh Sharif u sheegay ganacsata uu deynta ka qabay in labo bil ka hor in ay dalal labo ah lacag siin doonaan si uu ugu galo ololaha doorashada, mark ay lacagtaas timaadana uu isaga gudi doono deynta ay ganacsata ku leedahay.
Ganacsatada qaar ayuu u sheegay in uu lacag heli doono asbuucaan, ka dib markii uu heshiis la gaaray dal kamida dalalka uu lacagta ka sugaayay. Ganacsatada qaar ayaa u arka hadalka ka soo yeeray Shiikh Sharif mid uu waqti ku iibsanao ee aysan jirin cid la lacag siinaysa xiligaan.
Ganacsaadtii ka qaybgashay kulamadaas ayaa dhankooda ku dhaartay in ay dacwad ka gudbin doonaa Shiikh Sharif hadii uusan lacagtooda sida ugu dhaqasiyaha badan u siin.
Cabdirizak Shoole oo kamida dadka ololaha Shiikh Sharif ayaa dhankiisa waxa uu isku dayay in uu ku qanciyo ganacsatada deynta ku leh Shiikh Sharif, inay sugaan inta ay ka imaanayso Lacagta uu sheegay in ay wadamo shisheeye ka sugayaan, laakiin waa lagu gacan seeyray.
Shoole ayaa ku eedeyay Shiikh Sharif in uusan Xataa awoodin in uu xal u helo eedaha ceebta la socoto ee kaga imaanaya Ganacsatada ka soo jeeda beeshiisa.
Deg degsiimada ka muuqata ganacsata ayaa ka tarjumaysa rajo xumida ay ka qabaan ganacsatadu in Shiikh Sharif la soo dooran doono. Waxa ayna doonayaan in ay helaan lacagtooda inta aan la gaarin doorashada, hadiiba ay u suuragalayso.