[XOG] Galka Baarista “Ciidanka lagu tababarayey Eritrea oo dalka ku soo wajahan”

Reading Time: < 1 minute

Xogtii ugu danbeeysay ee laga helay dhalinyaradii loo qaaday dalka Eriteriya ayaa sheegeysa in ciidankaas loo soo wado Somalia todobaadyada soo socda, waxaana xogta aay sheegeysaa in ciidankaas la geyn doono Goboloda Bay iyo Gedo.

Sida la rumeysan yahay ciidankaas ayaa Farmaajo waxaa uu u qorsheeyay in uu ku weeraro maamulka Jubbaland.

Galka Baarista ayaa wareystay qaar ka mid ah dhallinyaradii kasoo baxsatay Eriteriya, waxaana dhallinyaradaas aay sheegeen in lagu hayay ilaa saddex xero oo lagu tababarayay.

Dhallinyarada ayaa sheegay in ciidanka Soomaalida aay ka qeyb galeen dagaalka Tigray balse aanay hubin sida aay uga qeyb galeen.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!