XOG: Farmajo Dooro afar Sano oo kale Waa Fahad Dooro. Akhriso

Reading Time: 3 minutes

Marka laga soo tago khaldaadka tira beelka ah ee uu geystay MW Faramjo afataan sano waxaa ka xanuun badnaaneysa dhibaatada ka iman doonta afar sano oo kale oo Farmajo uu soo noqdo. Farmajo Dooro afar Sano oo kale Waa Fahad Dooro ee u Diyaar Noqo Dambiyo waa Weyn” ayuu yiri Aqoonyahan Xamr Jooga oo naftiisa u baqay.

Mid kale ayaa yiri” Tan iyo xukunkii dikatatoorka ahaa markii la riday weligey uma cabsan sida aan sannadahaan dambe uga cabsaday Farmajo iyo Fahad”.

Aqoonyahannad Barlamnka 10aad ku jirta aadna ula socotay siyaasadda Somaliya muddo dheer ayaa tiri “ Aniga cidda welwelka igu haysaa waa Fahad oo  qaba in laga adkaado beelaha waaweyn, waayo isaga ayaa isu arka inuu yahay beelaha laga tira badan yahay (minority), haddii uu awoodda ku soo celiyo Farmajo dad badani waa u dhamaaneysaa”.

Codadkaan waxay kugu abuurayaan Cabsi ah in Fahad iyo Farmajo ay yihiin rag damacsan inay dalka xoog ku haystaan muddo, sida Saddaam iyo Mangistu  iyaga oo ku soo fuulaya talada si doorasho ah sax ah ama la macmalay midkasta oo gaarsiin karta kursiga mar kale.

Sidee ayey ku yimaaadaan Marka hore?

Keli-taliyeyaashu waxay aadaan toobiye ama waddo gaaban waxay la wareegaan awooda, iyagoo u qaabeynaya si ay iyaga ugu adeegto oo waxay rabaan u marsada sida Golaha Shacbiga hadda ay ka dhigteen Fahad iyo Farmajo oo RW dhan 7 daqiiqo ku riday. Waxay abuuraan xaalado keeni kara rabshado ama diidimo kooxeed si ay u isticmaalaan awoodda ciidanka. Markay sidaas ku abuuraan rabshado, waxay garwaaqsadaan inay waajib ku tahay inay bilaaban gacan ka hadal – rabshaddu waa aalad aad u af badan. Dabcan waxay u baahan yihiin booliska, Nabadsugiida iyo kooxo hubeysan oo u shaqeeya sida ay iyagu rabaan.

Taasina waxay dhalisaa inay ku tiirsanaadaan xoogag hubeysan oo gabood fallo  u sameeya  (jirdil, basaasiin, warbixiyeyaal, kuwa iswada jaajuusa iwm).

Dhinaca kale waxay aad u isticmaalaan dacaayadaha iyo buunbuuninta wax jira xumaan iyo samaan.  Waa inay cabsi geliyaan guud ahaan dadka una sheegaan in dalka ay balaayo ku soo socota iyaguna ay yihiinkuwa kaliya ee difaaci kara , ama waxay dadka u sheegaaan dal shisheeye ayaa soo duulaya, kuwa halkaan jooga ayaa u shaqeeya  dalkaas iwm.

Dr Ali  oo cilmiga siyaadda bartay ayaa yiri “sida hadda wax ku socdaan waxay u egtahay inuu dalka geli doono xaalada kalitalisnimo ka timaada cuqdad iyo cabsi is weheshaday oo ka dhasahy falal dambiyeed afartii sano ee la soo dhaafay la galay oo ay ka cabsi qabaan in shakhsiyaadkii galay la soo maxkamadeeyo”.

Dr Cali ayaa  isag oo gorodda hoos u laadlaadinaya ku soo koobay hadalkiisa “sida kaliya ay ku baajin karaa inaan la maxkamadeyn waa inay xukunka gacanta ku sii hayaan gar iyo gardarro, Somalidana sida kaliya ee dalka ku badbaadsan karaan waa in gar iyo gardarro aysan Fahad iyo Farmajo soo noqon, xataa haddii ay doorasho gacan ku rimis ku soo baxaan waa in la diidaa”

MW Farmajo iyo Fahad  waxaa ka go’an:

  1. inaan doorasho la qaban haddii uusan ku soo noqoneyn Farmajo.
  2. In Kismayo Farmajo Reerkiisa loo gacan geliyo.
  3. In Axmed Madoobe loo soo xero sidii Mukhatar Roobow oo aan hadda la aqoon meel uu jiro, cidna aysan dib dambe isu warsan.
  4. In ugu yaraan Sheekh Shariif iyo Xasan sheekh Xamar laga eryo ama la xero ama xataa lagu khaarijo soo qabashada, kadibna kabahooda lagu duugo sidoo askartii Cabdiraxman Cabdishakuur.

Arrimahaan ma fududa waxayna dhallinayaan hubaashii in dhinacyada kale ay iyaguna galaan is difacid iyo hub urursi, waayo waxay la geliyey Cabsi ah in naftooda loo imanayo iyadoo la adeegsanayo awoodda dowladda.

MOL waxay weligeed qabtay in Farmajo, Kheyre iyo Fahad ay dalkaan khatar weyn gelinayaan haddaan laga qaban. Inay xumaan ku heshiiyeen  seddexdooda waxaa marqaati kuugu filan kii ay dambiyada ku fushadeen, Kheyre,  way iska soo tureen  markii ay ka dhameysteen. Doqonimo darted  waa kan leh waxaan rabaa inaan Somaliyey inaan Madaxweyne idiin noqdo si aan tuugo kale ugu adeego oo kuwa idin ka mid ah laayo, kuwana cadowga u dhiibo.