[Xog] Farmaajo oo u isticmaalayo Lafta Gareen & Qoor Qoor in uu fashilmo shirka Xalane

Reading Time: < 1 minute

Hoggaanka maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in aaney imaan doonin shirka la qorsheeyey inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadli doono muranka la xariira doorashada Soomaaliya. 

Sida MOL aay xogta ku heshay, wuxuu Farmaajo ku cadaadinayaa in labada hoggaan ee Galmudug iyo Koofur Galbeed aay diidaan in shirka aay ka qeyb galaan hadii uu ka dhacayo xarunta Xalane, waxaana MOL loo sheegay in labada hoggaan aay dalbanayaan in shirka uu ka dhaco Villa Somalia.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa MOL u sheegay in ilaa hadda ay Qoor-Qoor iyo Laftagareen ku maqanyihiin dalka Turkiga islamarkaana aysan qorshaha ugu jirin in ay soo baxaan dhowaan si ay uga qeyb galaan shirka muhiimka ah ee looga hadlayo doorashooyinka dalka. 

“Wali ma go’aansan inaan imaano, haddii ay dhacdana waxaan qaadan doonaa waqti si ay noo sugaan inta aan sugi jirnay Deni iyo Axmed Madoobe,”  Ayuu yiri mid ka mid ah xafiiska Hoggaanka Galmudug oo la hadlay MOL

“In aan muhiim nahay ayaan rabnaa inaan dareensiino beesha caalamka si aan muhiim loogu arkin oo kaliya qofkii wax diida, Deni iyo Axmed Madoobe waxaan rabnaa inaa tusino sugitaanka dhibka ay leedahay maadaama aan waligeen annaga sugi jirnay,” ayuu sidoo kale noo sheegay mid ka mid ah saraakiisha Villa Somalia isagoo nala wadaagayay xog ay is dhaafsadeen mid kamid ah madaxda Turkiga ku sugan.

Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Axmed Cabdi Kaariye ayaa muddo ka badan 10 maalmood waxay ku sugan yihiin dalka Turkiga iyadoo ay xusid mudantahay in ay ahaayeen madaxda ugu horreysa ee iska xaadiriya goobaha lagu qabanayo shirarka doorashada Soomaaliya.