[XOG] Farmaajo oo qortay Mushaar dhan $60 kun bishii intii uu joogay xafiiska

Reading Time: 3 minutes

Kharashka ay Dowladdu gashay 2021 oo ahaa $473.85 Malyan waxa uu aad uga badnaa dakhliga soo galay dowladda ee ay helay Sanadkii 2021; kaas oo ahaa $376.51; Malyan.

$229.56 Malyan oo kamid ah daqligaas ayaa kasoo xarootay gudaha dalka! iyada oo  $146.95 Malyan oo kamid ah daqligaasi ay ahayd Kab-miisaaniyadeed oo Caalamku ku taageeray Soomaaliya, taasina waxa ay ka dhignayd  in dowladdu ku jirtay sanadkaas $97.34 Milyan oo hoos u dhac dakhli Maaliyad ah (Budget deficit).

Marka aan garab-dhigno 2016; Xilwareejintii Xukuumaddii Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid xukunka wareejiyeen kharajka dowladdu waxa uu ahaa $167.02Malyan (2016)! Sanadkaas dakhliga soo xarooday ayaa ahaa $167.98 Malyan $112.68 Malyan oo kamid ah daqligaas ayaa kasoo xarootay ilaha dhaqaale ee gudaha halka $55.30; Malyan ay ahayd kab-dhaqaale oo Caalamku ku taageeray Soomaaliya! Xaasilka (balance) soo haray ayaa markaas ahaa $0.96 Malyan ‘‘Sagaal boqol iyo Lixdan  kun oo dollar ($960,000)’’ taas oo ka dhigan in Dowladdu beekhaamisay in kharashka baxay ka bato dakhliga u soo xarooday dowladda.

Mushaarka shaqaalaha dowladda

Sanadkii 2021; lacagta Mushaarka Shaqaalaha dowladdu waxa uu ahaa $250.10 (Laba boqol iyo Konton Malyan iyo Toban kun oo Dollar); Mushaarka shaqaaluhu waxa uu ka badnaa dakhliga gudaha uga soo xarooday Dowladda! Taas macnaheeduna waxa uu ahaa in Dowladdu aysan awoodin bixinta Mushaark shaqaalaha!.

Dakhliga gudaha uga soo xarooday dowladda ee 2021 waxa uu ahaa $229.56; (Laba boqol Labaatan iyo Sagaal Milyan iyo Konton iyo Lix Kun oo Dollar)! oo ka dhigan in Dowladda Soomaaliya u baahan tahay $20.54(Labaatan Milyan iyo Konton iyo Afar kun oo dollar oo ah kab-Mushaar Shaqaale.

Waxaa xusid mudan in Dowladdu aysan qaadan shaqaale cusub intii u dhexeysay 2017-2021 sidaas oo ay tahayna Muushaarka dowladdu waxa uu kordhay in ka badan 300% (Boqolkiiba Saddex boqol) intii u dhaxeysay sanadkii 2016–2021, taasna waxaaba ka sii daran in  Dowladdu aysan habayaraatee wax is badel rasmi ah aysan ku sameyn mushaarka iyo gunnada Shaqaalaha oo sababi kartay  kororka mushaaraadka shaqaalaha.

Dulsaar deyn;

Sida jaantuska Miisaaniyadda 2020 iyo 2021 ku cad Dowladda Soomaaliya waxa ay bilowday Sanadkii 2020 in ay bixisio dulsaar deyneed ama ribo (Interests) taas oo dhan $14.44 (Toban iyo Afar Milyan iyo Afaratan iyo Afar kun oo dollar).

Arrin kale oo layaab leh ayaa ah inn sanadkii 2021; Dowladdu bixisay dulsaar dhan $14.61 (Toban iyo Afar Milyan iyo Lixdan iyo Kow kun oo dollar), Halkaasna waxa ku cad in Dowladdu ay deyn  qaadatay si ay mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada qalabka sida u bixiso laga soo bilaabo 2020 iyo sanadkii ugu dambeeyey oo Dowladdu ku mashquulsaneyd muddo kordhinta iyo khalkaka siyaasadeed. 

Ku tiirsanaanta caalamka oo korortay;

Intii u dhaxeysay 2017 – 2020 waxaa aad u korortay ku tiirsanaanta Soomaaliya ee deeq-bixiyeyaasha beesha Caalamka (donor dependency), Tusaale ahaan 2016; taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya waxa ay ahayd $55.30(Konton iyo Shan Milyan iyo Soddon Kun oo dollar) halka ay 2020 ku tiirsanaanta Soomaaliya ee deeq bixiyayaashu gaartay $285.59 (Laba boqol Sideetan iyo Shan Milyan iyo Konton iyo Sagaal Kun oo Dollar), taas  oo ka dhigan in inka badan boqolkiiba shan (5) jeer ay korortay ku tiirsanaanta Soomaaliya ee gacanta Shisheeyaha.

Ogow ma  jiraan Mashaariic waaweyn oo arrimaha bulshada laga qabtay, ma jirto dib u eegis mushaar shaqaale iyo deegaanno ay Dowladdu  ka xorreysay xarakada Al Shabaab oo caddeyn u noqon lahaa kororka kharashka howlaha Dowladda iyo Mushaaraadka shaqaalaha rayidka iyo ciidanka! kuwaas oo la jaan qaadi kara sababta intaas oo dhan ay u korortay ku tiirsanaanta deeqda caalamka.

2012-2016; Xilli-madaxeedkii 1aad ee Madaxweyne Xasan;

Maamulkii Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud hoggaaminayey, waxaa dalka ka hirgalay mashaariic waa weyn oo kabaya adeegyada shacabka, kordhinaya ilaha dhaqaalaha iyo ka maaranka ku tiirsananaanta beesha caalamka. Tusaale waxaa adeegga caafimaadka laga qabtay in dib loo dhisay/dayactiray ama loo howlgeliyey lix (6) hosbitaal oo adeegga caafimaadka wax badan ka qabtay sida Martiini, Tigfeer iyo Hospital (ka) Xoogga Dalka.

Dhanka kaabashaaya dhaqaalaha waxaa la casriyeeyey oo sharikado caalami ah qadaraas lagu siiyey dayactirka Airport(ka), Dekadda iyo jidadka magaalada si loo kordhiyo dakhliga Dowladdu u baahan tahay iyo adeegyada shacabku ka filayaan in Dowladdu ka shaqeyso. Dayactirka Dekadda iyo Airport(ka) ayaa sahlay in hoos loo dhigo ku tiirsananaanta deeqda caalamka.

Saboolnimada adag iyo Soomaaliya!

Bangiga adduunku waxa uu ku qeexay Saboolnimada xun ama adag (Extreme poverty) in ay tahay dadka ku nool wax ka hooseeya 1.90; maalinkii, iyada oo laga tusaale qaadanayo halbeegga qiyaasta Saboolnimada xun ee Caalamiga ah oo ah marka qofku ku nool yahay maalinkii wax ka yar 1.90 (Hal dollar iyo Sagaashan cent).

Marka aan Soomaaliya saarno halbeegga saboolnimada adage e Caalamka intii u dhexeysay 2017-2021; waxa kordhay daqliga soo gala dowladda 243% (Laba boqol Afartan iyo Saddex boqolkiiba) marka la garab dhigo 2012-2016, Saboolnimada daran ee Soomaaliya intii u dhexeysay 2012-2016; waxa ay ahayd 59% balse 2017-2021; waxa ay noqotay 63%, sababta ugu weyn waxa ay ahayd canshuurta faraha badan ee dowladdu ku soo rogtay ama saartay ganacsiga iyo nolosha dadweynaha iyo dowladda oo habayaraatee aan wax taageero ku bixin Mashaaariicda horumarinta sidaas oo kalana aan bixin wax fursad shaqo ah.

Kordhinta Mushaarka Madaxweynaha