[XOG] Farmaajo oo qorsheynaya in uu sanad kale sii joogo, xilkana iska casilo ka hor Doorashada

Reading Time: < 1 minute

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa MOL u sheegay in qorshaha Farmaajo ee Doorashada 2021 aanay ahayn in uu isku soo sharaxo mar labaad maadaama dalka aay ka dhaceyso Doorasho dadban.

Farmaajo ayaa aaminsan in haddii aay dalka ka dhacdo Doorasho dadban aanu lahayn fursad uu mar labaad ku hanto hoggaanka dalka, wuxuuna wadatashiyo uu in dhaweydba waday uu go’aansaday in ka hor Doorashada 2021 uu xilka iska casilo, balse ka hor inta aanu is casilin uu ka shaqeynayo in uu muddo kororsi dadban uu ku sii joogo ilaa iyo sanadka foodda nagu soo hayo ee 2022.

Sida aay xogta sheegeyso sababaha iscasilaadiisa ayaa ugu horreysa in uu cabsi baaxad leh uu ka qabo in haddii uu sii jooga dalka Doorashadana looga adkaado aay ku adkaan doonto in uu dalka si nabad ah uga baxo, wuxuuna cabsi ka qabaa in sharciga la horkeeno.

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday ayaana weli magacaabin guddiga Doorashadiisa, wuxuuna diiday in uu kala caddeeyo in uu yahay musharax iyo in aanu ahayn.

Farmaajo ayaa tan iyo markii gacantiisa laga bixiyay maamulka Doorashooyinka waxaa soo food saartay welwel badan wuxuuna bilaabay wadatashiyo uu la yeelanayo caa’iladiisa, wadatashiyadaas ayaa Farmaajo loogu sheegay in aanu mar labaad isa soo sharaxin iyadoo lagu sifeeyay go’aanadaas badqabkiisa haddii laga guuleysto Doorashada 2021.

Farmaajo iyo Rooble ayaa si dadban uga shaqeynaya in la jiido Doorashada si Farmaajo uu u helo muddo kororsi dadban waxaana qorshahooda uu yahay in aanay dalka Doorasho ka dhicin ka hor bisha Febraayo ee 2022, taasoo ka dhigeyso Farmaajo in uu noqdo Madaxweynihii saddexaad ee dalka ka taliyay.

MW Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa xukunka si dimoqraadiyo ah ku hayay muddo 7 sano, halka Kaligii Taliskii Millatariga ee Maxamed Siyaad Barre uu dalka xoog ku haystay muddo 21 sano ah.