[XOG] Farmaajo oo diiday in Dowladda Federaalka cambaareyso Ruushka

Reading Time: < 1 minute

Soomaaliya ayaa ku biirtey dalalka caalamka ee muwaadiniintooda ugu baaqaya in ay si deg-deg ah uga baxaan dalka Ukraine kadib markii uu kusoo duulay waddanka Ruushka.

Villa Somalia ayaa diiday in la cambaareeyo duulaanka Ruushka sida aay ilo wareedyo u xaqiijiyeen MOL.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in dowladda ay diyaarisay nidaam lagu daad-gurenayo Soomaalida ayna maareynayaan safaaradaha Brussels iyo Berlin.

Qoraalkan ayaan aan lagu adeegsan kalmadda reer galbeedka ku cambaareynayaan Moscow ee “duulaanka Ruushka ee Ukraine” taas bedelkeedana lagu soo koobay “xaaladda amni ee ka jirta Ukraine”.

“Marka la eego xaaladda amni ee ka jirta dalka Ukraine, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay kula talinaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, oo ay ku jiraan ardaydu, in ay la xiriiraan Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin, si loogu fidiyo caawimaad degdeg ah, looga na daadgureeyo dalkaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku howlan tahay diyaarinta waddooyinka suurtagalka ah ee lagaga daadgurayn karo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Ukraine iyo bixinta adeegyadooda qunsuliyadeed ee muhiimka ah”.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqaysaa in muujiyaan feejignaan aad u sarraysa, sidoo kalena ilaashadaan dokumentiyada aqoonsigooda,” ayaa lagu soo xiray.

Dunida ayaa si weyn u cambaareysay duulaanka Ruushka ee Ukraine, waxaana ay kusoo rogeen xayiraadyo dhanka dhaqaalaha kaasoo la filayo in uu wax ka badan ka bedeli doono nidaamka maaliyadda ee aduunka.