[XOG] Farmaajo oo degaya agagaarka Garoonka Muqdisho. Waa imisa kirada guriga?

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Villa Soomaaliya waxaa ka socota munaasabadda xil wareejinta ee Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda xil wareejinta oo guddiga gaar ah loo xil-saaray ayaa la filayaa inay dhacdo maalinta Isniinta ee soo socota, waxaana haatan socda diyaar garowgii ugu dambeeyey.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa haatan bilaabay inuu ka guuro dhismaha madaxtooyada, iyadoo laga rarayo alaabta qoyskiisa.

Farmaajo ayaa loo diyaariyey guri ku dhow garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay dagan yihiin inta badan xubnihii mucaaradka ku ahaa dowladdiisa.

Sida ay ogaatada MOL guriga Farmaajo loo diyaariyey ayaa waxaa horey u daganaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), waxaana ka socday xilligii doorashada ololaha dib doorasho ee Farmaajo, walow laga adkaaday.

Arrintan ayaa soo gabagabeyneysa 5 sano oo uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee dalka, waxaana haatan u bilaabanaya nolol ka duwan tii hore iyo mucaaradnimo hor leh.ay

Guriga uu degayo Farmaajo aya la sheegay in uu yahay guriga kiro ahaan ugu qaalisan Qaaradda Afrika, waxaana kirada Guriga MOL loo xaqiijiyay in uu yahay $30 KUN oo Doollar bishii. Farmaajo aya hormaris u bixiyay laba sano kirada Guriga.

Dowlado badan uu Farmaajo weydiistay in ay degaan siiyaan aya ka gaabsaday kaddib markii uu sameystay muddo kororsigii sharci darrada ahayd sanadkii hore.

Si kastaba, Xasan Sheekh Maxamuud oo horey usoo noqday Madaxweynihii 8-aad ayaa horey xilka ugu wareejiyey Farmaajo, hadda oo mar labaad loo doortayna wuxuu xilka kala wareegayaa Madaxweynihii beddalay, taas oo noqotay dhacdo aan horey uga dhicin dalka.