(Xog) Farmaajo oo dalbaday muddo kororsi & Beesha Caalamka oo wada waan waan cusub

Reading Time: 2 minutes

Waxaa weli taagan xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay hanaanka doorashooyinka dalka, taasi oo mareysa meel xasaasiy ah tan iyo markii guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ay ku dhawaaqeen doorasho hal dhinac ah.

Dadaal badan oo laga galay xiisada ka dhex aloosan dowladda federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka ayaa kusoo dhamaaday fashil, waxaana gebi ahaana istaagay dhaq-dhaqaaqii siyaasadeed ee hogaamiyeyaasha Soomaalida.

Dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa ilaa hadda ku muransan hanaanka doorashada, iyada oo mucaaradka iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ay ka hor yimaadeen guddiga doorashada ee dowladda federaalka ay gadaal ka riixeyso.

Sidoo kale waxaa meesha ka baxay xiriirkii hogaamiyeyaasha dhinacyada isku haya doorashada, midaasi oo ka dhigtay in dhaq-dhaqaaqii siyaasadeed ee madaxda dalka uu istaago.

Muranka doorashada ayaa u muuqda mid ka go’aan gaaristiisa loo daayey beesha caalamka oo dhowr jeer ka digtay doorasho hal dhinac ah, iyada oo madaxda dowladda federaalka culeys ku saartay inay qabato doorasho ay u dhan yihiin saamileyda siyaasada.

Sida aay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen MOL, MW Farmaajo ayaa qorsheynaya in uu shuruud ku xiro in heshiis laga gaaro Doorashada, shuruuddaas oo la sheegay in uu beesha caalamka ka dalbaday in la siiyo hal sano oo muddo kororsi si loo soo afjaro isqabqabsiga Doorashada.

James Swan ayaa isku dayaya in uu ku qanciyo Hoggaanka Puntland & Jubbaland in aay ogolaadaan shuruudda Farmaajo, waxayna beesha caalamka ballan qaadeeysaa in Doorasho heshiis lagu yahay aay dalka ka dhacdo.

Mucaaradka ayaa arrinta la sheegay in aanay aqbali doonin muddo kororsi hal maalin ah in lee sameeyo Farmaajo.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan helnay ayaa sheegaya in xalka muranka uu ka baxay gacanta Soomaalida, islamarkaana go’aan kama dambeys ah laga sugayo beesha caalamka iyo inay Soomaalida u yeeriso wixii ay sameyn lahaayeen.

Go’aankan ayey u eg tahay inuu iman doona kadib 7-da Febraayo, markaasi oo ay ku eg tahay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.