Reading Time: < 1 minute

Warar lagu kalsoon yahay oo MOL ka heshay ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in asbuucii la soo dhaafay ay Farmaajo , Xasan Khyere iyo Fahad Yasin u xawileen Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Mudane Axmad Garaash lacag  markeedii hore ahayd $800,000 laakiin  $30,000 ka mida aay soo  goosteen kooxdii dalaaliinta ka ahaa xaliwilaada lacagtaas.

Lacagtaas ayaa waxaa la soo mariyay ganacsato  reer Puntland ah iyada oo lacagta  qaar kamida lacagtaas laga soo diray dalka Kenya iyo Somaliland. Waxaana loo soo diray sidii lacag ganacsi loogu maareeynayo oo kale.  Dhanka kale maalintii arbadaca asbuucaan ayaa waxaa sidoo kale la soo diray $250,000 taas oo Boosaaso soo martay. Nooma suugaralin soo in aan helno magacyada dadka lagu soo hagaajiyay lacagta , laakiin dhawaan ayaan filaynaa in aad helno qaabka lacagta loo gaarsiyayay Axmad Garaash iyo magacyada dadkii ka shaqeeyay.

Waxaa muuqato in la doonayo in Puntland laga abuuro  qalqal siyaasadeed  kaas oo la doonayo in uu u  xuubsiibto dagaal sokeeye oo la isaga horkeenayo dadka ree Puntland. Qalalaasahaan ayaana la doonaayo in uu ku beegmo xiliga laga hadlayo arimaha doorashada iyo in Puntland lagu aamini  karo in ay doorasho qabato.