(Xog) Fahad Yasin oo soo gabagabeeyay Qorshe Dagaal oo Villa Somalia rabto in aay ku qabsato Kismaayo.

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay ka socda xarunta NISA kulamo isdaba joog ah oo u dhexeeya Maamulka Farmaajo ee Gobolka Gedo iyo Agaasimaha NISA Fahad Yasin, kulamadan oo loogu diyaar garoobayo weeraro dhulka ah oo lagu qaado magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu soo gaaray gabagabo sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay aay u xaqiijiyeen MOL.

Kulan maanta ku dhex maray Taliyaha CXDS Gen. Odowaa iyo Fahad Yasin ayaa ku soo dhammaaday is afgarad waa kaddib markii uu diiday Gen. Odowaa in uu qeyb ka noqdo dagaalka aay Villa Somalia rabto in aay dib ugu qabsato magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha Gobolka Gede ee Farmaajo, Macallimuu uu beryahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu maalinta Jimcaha dib ugu laabto gobolka Gedo.

Villa Somalia oo rabta in indhaha shacabka Soomaaliyeed laga leexiyo doorashada beelaha Banaadiriga & Gobolada Waqooyi oo lagu wado in aay Muqdisho ka bilaabato 15 bishan Disember ayaa waxaa la qorsheeyay in weerar dagaal lagu qaado maamulka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa geliyay ciidankiisa heegan buuxa sida MOL aay u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan magaalada Kismaayo. “Waxaan sugnaa waa dagaalka aay qorsheynayaan Fahad & Farmaajo” Ayuu yiri sarkaal la hadlay MOL oo Kismaayo ku sugan.