[XOG] Fahad Yasin oo isagoo maqan lagu dooran doono magaalada Jowhar

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo Maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ay ka bilaabatay doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, ayaa waxaa hoolka doorashada ka dhacday arrin ugub ku ah doorashada Golaha Shacabka oo ay horay u qabteen maamulada kale ee dalka.

Arrinta layaabka badan ee maanta sida weyn loo hadal haayo ee ka dhex dhacday hoolka doorashada ay ka socoto ee magaalada Jowhar ayaa aheyd inuu soo xaadiri waayay goobta mid ka mid ah Musharaxiintii loo diiwan geliyay inuu ku tartamo kursiga tirsigiisu yahay HOP 005 oo lagu magacaabo Maxamed Cali Cumar, waxaana markuu soo xaadiri waayay codadka Sanduuqa lagu riday ee ergada u aruuriyay guddiga doorashada Hirshabeelle, maadama uusan goobta u joogin cid Wakiil u aheyd waxaana codadkii la tiriyay ku guuleystay Musharxii goobjooga ahaa Maxamed Cumar Ceymoy oo helay codad gaarayay 73, iyadoo musharaxii maqnaha ahaayna uu helay 13 sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada Hirshabeelle.

Arrintan ayaa ahayd mid tijaabo ah oo Villa Somalia iyo Madaxweynaha Hirshabeelle aay si ku talo gal ah u sameeyay arrinta iyadoo loogu sii jid xaarayo Fahad Yasin oo lagu wado isagoo aan soo xaadirin in lagu doorto magaalada Jowhar sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay aay u sheegeen MOL.

Haddii aa dhacdo arrintan waxaa aay uur ku taallo aan abid ka harin ku noqon doontaa Cali Guudlaawe.