(Xog) Fahad Yasin awood ma u leeyahay in uu kala diro Madaxda Rugta Ganacsiga?

Reading Time: 3 minutes

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa bayaan uu soo saaray oo ku taariikhaysan 28 December 2020, ku kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, isagoo magacaabay Guddi Kumeel gaar ah oo ka socda Shirkadaha Ganacsiga.

Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska RW oo la hadlay MOL ayaa noo xaqiijiyay in RW Rooble aanu ka warhayn warqadda uu qoray Wasiirka, waxayna wararka intaa ku darayaan in amarka lagu kala diray Rugta Ganacsiga uu bixiyay Fahad Yasin oo ah Agaasimaha NISA.

Madaxda Rugta Ganacsiga oo shir albaabada u xiran yahay la yeeshay RW Rooble ayaa la sheegayaa in uu RW Rooble ka raalli geliyay gefka dhacay, wuxuuna ballan qaaday in uu wax ka qaban doono arrintaan.

Rooble oo aanan awood badan ku lahayn xukuumadda, ayaa waxaa daaha gadaashi ka maamulaya wasiirada oo siinaya amarada aay fulinayaan Fahad Yasin Xaaji Daahir sida MOL loo xaqiijiyay.

Guddiga KMG ee la magacaabay ayaa isugu jira Guddoomiye, labo Kuxigeen iyo 30 xubnood ka kala socda Shirkadaha Ganacsiga dalka sida ku xusan bayaan ay aragtay MOL oo sumatiisu tahay MOCL/OM/177/2020.

Sababaha loo kala diray Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa lagu sheegay dib u habeyn lagu sameeyo rugta iyo arrimo kale.

Guddiga Kumeel gaarka ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sii wadaya xil howleedka Ganacsiga iyo diyaarinta doorasho maamul hufan oo ay yeelato Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed muddo ku siman 60 cisho sida ku caq qoraalka.

Balse qaar ka mid raggii la magacaabay ayaa sheegay in laga been abuurtay oo aanay wax shaqo ah ku lahayn magacaabiddaas, isla markaana aay weli aqoonsan yihiin madaxdii hore ee Rugta Ganacsiga

Saacado uu ka dib qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Madaxda Rugta Ganacsiga ayaa  ka horyimid qoraalka lagu kala diray, waxa ayna sheegeen in suuqa Soomaaliya iyo ganacsigu xoryahay isla markaana ay madax banaanyihiin ganacsatu dhismaha rugta ganacsiga Soomaaliya.

Agaasimaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Cabdi Abshir Dhoore, oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay rugta ganacsigu ku qabatay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ay ka tirsanyihiin ururada bulshada rayidka isla markaana ay xoryihiin dhismaha maamulkooda.

Dhoore ayaa sheegay in go’aanka uu wasiirku ku kala diray rugta ganacsiga Soomaaliya uu u cuskaday sharci soo baxay sanadkii 1985, islamarkaana sharcigaan uusa la jaanqaaday ganacsiga xorta ah ee haatan ka jira Soomaaliya sida uu sheegay.

“Waxaan rabnaa in aan la wadaagno wasaaradda in 1985 suuqa ganacsiga Soomaaliya iyo nidaamka ganacsiga Soomaaliya iyo ganacsatadaba qaabkii ay ku shaqayn jireen iyo sidii uu wadanku ahaan jirayba hayaba yaraatee uusan hada ahayn, sidaas darteed warqadii lagu aas aasay wasaaradda ganacsiga shucuucdeeda iyo rugta ganacsiga waxaa fiican in loo aqriyo si hufnaan ah oo laga fiirsado” ayuu ku jiri shirkiisa jaraa’id Agaasimaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Cabdi Abshir Dhoore.

Dhoore oo sii hadlaya ayaa yiri”Suuqa ganacsigu maanta waa xor, ganacsatado waa xor iyagaa is abaabula iyagaana dhista maamulkooda reer degmo, heer gobol iyo heer qaran iyaga ayaa samayta habayaraatee wax faragalin oo ah oo ay ku leedahay dowladdu majirto”.

Agaasimaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Cabdi Abshir Dhoore, ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya Dowladda iyo rugta uu soo taagtaa mudooyinkii dambe, wali aan xal laga gaarin sida uu hdalka u dhigay.

“Dowladda haka fiirsato warqada uu soo saaray wasiirka ganacsiga,wasiirka waxaan bareynaa rug aad kala tiri karto tan ma ahan,Dalka dulmi iyo fadeexad ayay ku tahay” ayuu yiri isaga oo sheegay in ay taageerayaan nidaamka dowladnimada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay ka midyihiin ururada bulshada rayidka isla markaana dowladdu aysan shaqo ku lahayn nidaamkooda sida uu hadalka u dhigay.

Horay ayaa Maamulka gobolka Banadir waxaa uu u kala diray Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, iyada oo tallaabadaas lagu sheegay in ay la xiriirto sababo dhanka Amniga ah iyo ku milanka xoogga hubaysan ee Al Shabaab.