Xog qarsoon oo laga helay ilo wareed aad u dhaw Abdullahi Kulane Jiiz Mareexaan ayaa sheegayaa in uu dhawaan iscasili doono Agaasimaha HSNQ Fahad Yaasiin ,
Iscasilaada Agaasimaha NISA ayaa timid markii la ogaaday in uu xiriir toos ah kala dhaxeeyo Alshabaab taasoo baryihii udanbeeyay ay warbaahinta gudaha iyo dibadaba tabinayeen cadeemo muujinayo xiriirka Madaxda NISA iyo Alshabaab ,
Ma ahan markii ugu horeeysay ee lagu eedeyo Fahad Yaasiin inuu katirsan yahay kooxda argagaxisada alshabaab balse hada ka hor Taliye Xigeenka Hore ee Sirdoonka Soomaaliya Sareeye Guuto Abdalla Abdalla , ayaa maxkamada ciidamada qalabka side ugudbiyay Eeda ah in uu Fahad xiriir la leeyahay alshabaab , nasiib xumo awood Madaxweynaha JFS ayaa lagu joojiyay Dacwadaas taaso ah mid wali ka furan gorsoorka dalka lana qaadi doono markuu meesha ka baxo Madaxweynaha hada talada haaya,
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in lagu badali doono Fahad Yaasiin ninka magaciisa la yiraahdo Abdullahi Kulane Jiiz Mareexaan kaaso ah shaqsiga labaad ee ugu sareeyo Sirdoonka Soomaaliya,
Markuu Talada Dalka lawareegay Madaxweyne Farmaajo waxaa soo shaacbaxday isku milanka Sirdoonka Soomaaliya & Alshabaab taasoo ah shaqo weyn oo u taala Madaxweynaha ladooran doono 2021 February,