(Xog) Dowladda Federaalka oo ku dhawaaqi doonta in dib loo dhigay doorashada cabsi laga qabo COVID-19

Reading Time: < 1 minute
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.

Iyadoo ay ka harsan tahay 310 maalmood muddo xileedka MW Farmaajo ayaa Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa MOL u xaqiijiyay in si wadajir ah MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Golaha Wasiirada ee RW Kheyre lagu wado in aay qabtaan shir aan caadi ahayn oo wadajir ah, kaasoo lagu meel marin doono qaraar ah in dib u dhac uu ku yimid qabashada doorashooyinka sanadkan 2020 iyo 2021.

Golaha Wasiirada JFS ayaa qaraar ka soo saari doona kaasoo uu aqbali doonaan MW Farmaajo iyo Guddoomiyayaasha labada aqal sida MOL loo xaqiijiyay. Shirkan aan caadiga ahayn ayaa lagu wadaa in uu dhaco muddo laba toddobaad guduhood ah.

Doorashada ayaa dib loo dhigayaa muddo hal sano ah, waxaana la shaacin doonaa in doorashada kuraasta xildhibaanada la qaban doono bisha Desember ee sanadka 2021 halka doorashada kursiga Madaxweynaha loo iclaamin doono in ay dhacdo bisha Febraayo ee sanadka 2022.

Lama oga tallaabada aay qaadi doonaan madasha xisbiyada iyo in aay aqbali doonaan muddo kororsiga dadban ee doorashooyinka.