XOG: DFS Oo Qorshe Kale Ku Curyaamineyso Muqdisho, Waddooyin Cusub Oo..

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda wadda qorshe kale oo ay ku dooneyso iney ku curyaamiso magaalada Muqdisho, islaamrkaana dad badan dhibaato noqon doonto.

Waxay DFS hadda qorsheysay in Muqdisho laga soo galo oo kaliya Labo meel oo kala ah Balcad iyo Afgooye, inta kale ee waddooyin ahna la xiro.

Waxaa xirmi doona waddooyin badan oo Labada Shabelle looga soo geli jiray Muqdisho, waxaana sidoo kale la xiri doonaan kuwo qarda jeexyo ah oo magaalada imaanayey.

Ulajeedka ayaa ah sida la sheegayo in la adkeeyo ammaanka magaalada Muqdisho, wallow shacabka Muqdisho ay arrintaan u arkaan caqabad weyn oo soo kordhi doonto.