(XOG) Deni oo markii 3aad si farsameysan u isticmaalay siyaasiyiinta Hawiye

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa markii sadaxaad waxa uu  roog siyaasaadeed ka dhigtay siyaasiyiinta Hawiye oo ay u horeeyana madaxdii hore iyo Ra’iisal Wasaaraha  dalka ee talada hada hayo.

Deni ayaa labo mar oo hore waxa uu siyaasiyiinta Hawye galiyay dagaal siyaasadeed iyo mid ciidan kaas oo ay ku qaadeen Farmaajo iyo dowladiisa. Saciid ayaa soo abaabulay dagaaladaas, dhaaalana ku bixiyay. Dagaaladaas soo maray madaxda Hawiye  waxa siyaasad ahaan ku baa’bay madaxda Hawiye halka Saciid Deni uu iska fogeeyay dhibka ka dhashay.

Saciid Deni oo istcimaalaya Midowga Musharaxiinta ayaa fashiliyay shirarkii Dhusamareeb. Waxa uu u aadeegsaday siyaasiyiinta Hawiye inay diidaaan in Farmaajo gudoomiyo shirka Madashada Qaran.

Markii lagu guulaystay in Farmaajo banaanka la dhigo oo Midowga Musharaxiinta  damceen inay shirka ka qaygalaan, waxaa ka soo horjeestay Saciid Deni, isaga oo ku adkeeystay in shirka ay ka soo qayb-gali karaan Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Xiligii uu Saciid Deni dagaalka siyaasadeed galinaayay siyaasiyiinta Hawiye waxa uu u muujinaayay in uusan marnaba isagu ahaynin musharax madaxweyne. Iyaga oo rumeysan in uu ayaga u shaqaynayo ayuu  u iticmaalay danahiisa gaarka ah, taas oo dhaawacday hamiga siyaasiyiinta Hawiye.

Markii Saciid ku dhawaaqay inuu musharax yahay ayaa musharaxiinta Hawiye, gaar ahaan kooxda isku baheysatay Midowga Musharaxiinta hurdada kawada tooseen iyaga oo eed dusha kala dhacay Saciid Deni kuna eedeeyay in uu qiyaanay.

Hadaba waxa hada  muuqata inuu mar sadaxaad istcmaalayo siyaasiyiinta Hawiye isaga oo dib u soo galay xeendaabkoodii. Saciid Deni kama tirsanaynin Midowga Musharaxiinta hadana labadii asbuuc ee u danbeeysay waxa si dadban uga mid noqday Midowga Musharaxiinta.

Mar hadii dhaqaale xumi la soo daristay kooxda isku bahaysatay Midowga Musharxiinta oo ay ku jiraan madaxdii hore, ayaa Saciid Deni waxa uu balan qaaday inuu dhaqaale ku bixiyo Farmaajo lagula dagaalo.

Saciid oo doonaayay inuu gacanta ku dhigo hogaanka Baarlamaanka cusub ayaa kula taliyay siyaasiyiinta Hawiye oo uu  ku jiro RW Rooble in si wada jira loo taageero Shiikh Adan Madoobe isagana uu bixiyo lacagta ololahiisa.

Saciid ayaa dhaqaale ku taageeray Doorashada Shiikh Adan Madoobe, taasna waxa ay u suuragalisay inuu sheegto libinta soo saa saaritaanka Shiikh Adan Madoobe. Isla maalintii la doortay ayuu  kulan gaar ah la yeeshay  Shiikh Adan Madoobe, lamana oga  waxa ay ka wada hadleen.

Siyaasiyiinta Hawiye ayaa iyaga oo soo taagan waxaa loo isticmaalay doorashada hogaanka Baarlamaanka, markii Gudoonka soo baxayna waa lagala wareegay. Sida ilo lagu kalsoon yahay u cadeeyeen MOL,  Saciid Deni ayaa doorashada ka dib waxa uu dhaqaale dheeraad ah siisyay Shiikh Aadan Madoobe, kaas oo uu ku sheegay “sooryo”iyo inuu ku qaabilo martida soo booqanaysa.

Siyaasiyiintii Hawiye ayaa waxa ay hada marti ka noqdeen ninkii ay iyagu u ololeeyeen inay soo saaraan. Saciid Deni oo og in Siyaasiyiinta Hawiye ay heysato labo caqabadood oo waaweyn, 1) dhaqaale xumo iyo 2)  midnimo la’aan dhexdooda ay ayaa rumeysan in uu meel cidla la ah oga soo hari doono ragaas.

W/Q: Maxamed Yusuf Dhoore