Waxaa beryahan magaalada Muqdisho gaar ahaan Villa Somaliya, Hotel Palace iyo Xaruunta Habar Khadiijo ka socday wada tashiyo uu hormuud ka yahay Jen. Biixi. Wadahadalladaas waxaa ka qeyb galayey Jeneraalladii Maxamed Siyaad siin jiray talooyinka khaldan ee keenay inuu ka tago dal burburay ilaa maantana wixii uu na baday ay nooga daran yihiin wixii uu na baray, taas oo ah in Xaasid, Iimaanlaawe ah oo uu adeer u yahay oo aan hal km oo isku wareeg ah xukumin inuu rabo inuu Afgambi ka sameeyo Xamar.
Xogta waxay leedahay in maalmaha soo socda uu Farmajo iyo kooxdiisa goosteen in si kasta iyo wax kasta oo ay ku kacdaba in Khalkhal amni la abuuro si loo hor joogsado in Barlamanka uu dhaarto, kadibna guada galo hawlaha la xiriira dhameystirka doorashooyinka oo ay tii lagu bixin lahaa ugu dambeyso.
Habeennadii ugu dambeeyey Farmajo waxaa uu Jen. Biixi u keenayey kolba qorsho marin habaabineed oo uu ugu muujinayo sida hawlgalka loo fulinayo, Meesha la hor qabanayo, ciidanka qabanayo iyo ujeedka ugu dambeeya. Cabsida Faramjo waxay tahay:
- In dalka uu yeesho Madaxweyne aan isaga ahayn kadibna isaga loo qabsado dhammaan fal dmebiyeedyadii uu galay 5tii sano iyo dheeraadka ee uu Villada ku noolaa.
- In loo diido inuu dalka ka baxo taas oo ku keeni karta cabsi weyn oo noloshiisa saameysa, kadibna dalka lagu maxkamadeeyo.
- In dad shacbi ah ay dacwado madani ah ku soo oogaan taas oo dhaawici karta hantida faraha badan ee uu sameystay sannadahan ugu dabeeyey oo hadda lagu soo warramayo inay kala taallo Erateriya, Ugandha iyo Itoobiya. Farmajo wax ma xadin been iga dheh.
Haddaba neef gowracan geedo kama waabto Farmajo waa dhaawacan yahay, wuu cabsanayaa, waxaana u yaallo dembiyo badan, waana sababta keeneysa inuu kursiga ku dhinto ama uu xoog ku joogo, tan oo ah caadada kaligii taliyaha waayo xukunka oo u uku tagri falo ayaa waxay ku keentaa cabsi inuu wareejiyo si aan loola xisaabtamin.
Afgambiga waxaa ka soo horreynaya fowdo la abuuri doono oo waxaa maalmaha soo socda la khaarijin doonaa dad muhiim ah si falnaq uu uga yimaada beelaha ay ka soo jeedaan kadibna dagaal uu Xamar uga dhaco, taas oo uu u haysto Farmajo inay isaga dmebiga ka dhaqeyso.
Waayo dad badan oo wax maragata ah darajo kasta oo aqooneed ha sitee ayaad arkeysaa iyagoo ku leh Maxamed Siyaad waa loo darsaday. Haddii maanta uu joogi lahaa waxaa la noqon lahaa baahalo dadkooda ay iyagu is cunaan, kanna sidaas ayuu u fekerayaa oo haddaad xumaan bilowdid kuwa kula qaada ama ka jawaaba ayaa eedda yeelan doona adiguna wa lagu amaani doonaa waana lagu illoobi doonaa ayuu isleeyahay, laakiin dadka Xamar dagaal guud ma rabaan ee Farmajo ayey Far iyo Suul isaga qaban doonaan.
Xataa ciidamada uu rabo inuu dambiyeeyo waxay leeyihiin Mustaqbal isaga ka dheer, waxaa lala dili doonaa waxmagarata u soo hiillisaa ama ku garabsiiso khaladka uu maleegayo, ciidanka ayaana uga soo horjeesan Doona sidii ay uga soo horjeesteen maalmihii RW Rooble la rabay in la soo qabto, ama maal mihii Badbaado Qaran.
Waxaa suuragal inuu sugu inta la iska dhignayo oo si aad ah doorashada logu mashquulayo, kadibna uu hal mar ku soo boodo Afhambiga qorsheysan sidii Siyaad Barre oo ka faa’iideystay buuqii Doorashadii Madaxdweynaha ee Oktober 20, 1969, taas waa inay dadka Xamar joogaa ka tashadaan oo ka foojignaadaan.
Ugu dambeyn Somaliya waxay mareysaa maalmaha soo socda xaalada aad u khatar ah oo cid wliba wadnaha ayey farta ku haysaa, waxay maanta joogtaa markii uu Abwan Hadraawi lahaa:
Wahe dhalashadaadaan, farxad waalan gaadhooweedhkiyo dabaylaha, ama weriyahaagiigoortaan waraystaa, werwer ii dhammaadoowahab layga qaadoo
lugtu weerar mooyee, wahsigii illowdoo wadar iga lib haysaan, wiil curad sidiisaan —
wanan kuu bireeyoo, waayeel duceeyaan wacay oo u yeedhee, walqashaadii maadaa
cunay waaxyaheedii? Weger iyo ka waaweyn, tani waa ka waasacan
hadday ceel-walwaaleed, ku go’aan wadaamuhu
waan-waani dhacantee, wadnahaan far ku hayaa