[XOG] Dagaalka Farmaajo & Rooble oo cirka isku shareeray…

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sii kala fogaanaya labadii toddobaad ee ugu danbeeyay kadib markii uu si rasmi ah usoo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya.

Khilaafkan ayaa billowday kadib markii Farmaajo uu soo saaray wareegto u muuqata in lagu beegsaday Rooble oo lagu sheegay “in laga reebay xukuumadda iyo hay’adaha dowladda inay galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalka, iyo ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Farmaajo ugu jawaabay una sheegay in awoodaha fulinta dalka ay leedahay xukuumadda, ayna la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye.

Rooble ayaa kadib markii uu tegay Kenya muujiyey in khilaafka laga heshiiyey, isaga oo kulan uu la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ku yiri “Doqontu halkii laga dagaal un bey ogeyd.”

Si kastaba, waxaa hadda muuqata in khilaafkaas aan weli xal laga gaarin, islamarkaana ay suurta-gal tahay inuu kasii daray, kadib markii tallaabooyin uu qaaday Rooble ay muujiyeen heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka kala dhaxeeya Farmaajo.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa fiidnimadii Khamiistii ka baaqday oo aan qeyb galin casho sharaf uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday u sameeyey mas’uuliyiinta Turkishka ee ku sugan Muqdisho, xilli loo dabaal-degayey sannad-guuradii 10-aad ee kasoo wareegtay iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!