[XOG] Dabageed oo bilaabay diiwaan gelinta Oday dhaqameedyo been abuur ah

Reading Time: < 1 minute

Sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay MOL u xaqiijiyeen waxaa magaalada Jowhar ka socdo qoridda iyo siinta kaararka oday dhaqameedyo gacan ku rimis ah taasoo uu wado Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Oday dhaqameedyada la been abuuraya ayaa u badan beesha Xawaadle, waxaana kaararka aqoonsiga loo sameeyay oday dhaqameed aan ka mid ahayn 135 oday ee u diiwaan gashaneyn Dowladda Federaalka ah, taasoo aay ka dhalan doonto gacan ka hadal ka dhasha beesha Xawaadle dhexdeeda, haddii aanu Ugaaska Beesha Xawaadle ka qaban Dabageed been abuurka uu rabo in uu ku bedelo Oday dhaqameed sharciyan u diiwaan gashan Dowladda Federaalka ah.

Odayaashan laga been abuuranayo ayaa ah kuwii horay usoo xulay xildhibaannada baarlamaanka Federaalka ee hadda jooga, waxaana hore loo soo buuxiyey oo kaliya xubnihii geeriyooday.