Xog gaar ah oo aan helnay Ayaa Sheegeysa in uu socdo Qorshe xilka looga qaadayo Ra’iisul Wasaare Xasan cali Kayre oo qilaaf Xoogan kala dhaxeeyo Gudoonka Golaha Shacabka.
Ilo ku dhow dhow xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa inoo xaqiijiyay in uu socdo qorshihii ugu danbeeyay oo xilka looga qaadayo khayre, waxaana badalkiisa ladoonaya in booska lakeeno Beyle oo ah Wasiirka Amniga ee Xukumada uu hugaamiyo Khayre.
Maxamed Abuur Islaaw Ducaalle ayaa dadaal dheer ugu jiro sidii uu booska kaga saari lahaa Ra’iisul wasaare khayre, waxuuna kulamo ku aadan arintaansi la qaatay Gudoomiyaha Golaha Shabaka Maxamed Shiik Cusmaan Jawaari oo qilaaf cirka isku shareeray kala dhaxeeyo Khayre si uu garab uga helo.
Beyle ayaa sida ilo xog ogaal ah noo xaqiijiyeen waxaa uu Gudoomiye Jawaari kala hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayen sida ugu fudud ee booska kaga bixi karo Khayre, waxaana la sheegay in ay meel isla dhigeeyn arimo dhowr ah kuwaasi uu sarta galin kara in xilka laga qaado khayre.
Jawaari ayaa ubalan qaaday Beyle inuu ku garab istaagayo inuu xilka Ra’iisul wasaare helo, waxaa uuna dhankiisa ka dalbaday in uu muujiyo dadaal arintaasi ku aadan.
Dhanka kale Ducaalle ayaa la sheegay in uu kulan la yeeshay Madaxweyne Farmaajo waxaa uuna ka dhaadhiciyay Sidii uu Xilka Ra’iisul Waaare ku heli lahaa, waxaana la shegaya inuu Madaxweyne Farmaajo arinkaasin ka aqbalay.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa qilaaf ka dhex dheliyay Baarlamaanka Soomaaliya waxaana haatan socdo qorshayaal xilka looga qaadyo, sidookale waxa laga yaaba in ladiyaariyo Xildhibaano Mooshin ka gudbiyo si meesha uu uga baxo.