XOG CUSUB: Itoobiya Oo u Yeertay Kheyre, Arrinta Berbera Oo…

Reading Time: < 1 minute

Xog hoose oo aan helnay ayaa waxay sheegeysaa in dowladda Itoobiya ay u yeereen Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, walibana lagu ballamiyey magaalada Nairobi ee dalka Itoobiya.

Mas’uuliyiin ka socda dowladda Itoobiya ayaa tagi doona Nairobi si ay halkaasi ugula soo kulmaan Kheyre marka uu kasoo labto safarka uu ku aaday dalka Maraykanka.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Itoobiya ay dooneyso in Kheyre ay kala hadasho arrinta dekadda Berbera oo dowladdaasi dan aad u weyn ugu jirto.

Waxyaabaha ay u sheegi doonan ayaa kamid ah in aanu mar dambe ka hadal arrimaha dekadda Berbera, islamarkaana haddii uu doonayo xiriir wanaagsan oo Itoobiye ah aanu qalqalgelin danaha dalkaasi.