XOG CUSUB: Farmaajo iyo Kheyre oo Xil Lama filaan ah u dhiibaya C/kariin Qalbi Dhagax

Reading Time: < 1 minute

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa muqdisho online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha dalka ay qorsheynayaan in Cabdi kariin Shiikh Muuse Qalbi dhagax ay xil u dhiibaan si Mucaaradka aysan ugu adeegsan ololaha ay kaga soo horjeedaan waxqabadka Dowlada.

Lataliyayaasha arrimaha siyaasadda ee u dhow Madaxda dalka ayaa la sheegay in ay ku talinayeen maalmahaan in Dowlada ay waji cusub ku qaabisho Qalbi dhagax oo ay cadaatay in aysan door ku laheyn sii deyntiisa.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Madaxda dalka ay qorshe fiican u arkaan in Qalbi dhagax Safiir laga dhigo si dalka dibadiisa uu ugu noolaado, waxaana markaas yaraaneysa saameynta ay Mucaaradka uga faa’iideystaan qaladkii ay dowlada ku dhacday.

Si kastaba ha ahaatee Cabdi kariin Shiikh Muuse ayaa xalay la kulmay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Soomaaliya kuwaasoo kasoo jeeda Beesha uu ka dhashay waxaana la sheegayaa in ay hordhac u yihiin kulamo Madaxda dowlada uu qaadan la doono waxaana kulankii xalay looga codsaday in Mucaaradka uusan la shaqeyn oo Dowlada Soomaaliya uu garab istaago isagoo lagu abaalmarin doono shaqo kasta uu qabto.