Xog: Ciidankii Eritrea oo lasoo wado. “Waxay qaban doonaan magaalooyinka Jowhar, Beledweyne & Kismaayo”

Reading Time: 2 minutes

Waxaa la qorsheynayaa in dhawaan dalka dib loogu soo celiyo 7500 ka mid ah ciidankii tababarka loogu qaaday dalka Eriteriya sida aay MOL u sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa ku soo beegan magaalada Muqdisho horraanta bisha Febraayo, waxaana maalmaha aay ku degi doonaan xerada Ciidanka Gordon, iyadoo si ku meel gaar ah looga raray xerada taliska ciidanka lugta uu hoggaamiyo General Biixi.

Ciidanka oo tiro ahaan ka kooban 7500, waxaa 5500 oo ka mid ah ay noqon doonaan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halka 2000 aay ku biiri doonaa howlgalka ciidanka NISA.

Ciidanka 2500 oo ka mid ah waxaa ay xoreyn doonaan Jubbooyinka, halka 1500 loogu talo galay in aay furaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Beledweyne, waxaa sidoo kale 1500 kale loogu talo galay in aay furaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo sida aay hadalka u dhigeen.

Villa Somalia ayaa ka go’an in aay cudud ciidan ku qabsato dalka. Ciidankan Eriteriya ayaa loo diyaariyay dhammaan agabkoodii lagana diiwaan geliyay taliska CXDS iyo NISA, waxaana mushaarkooda bixin doonto dowladda Qatar sida aan xogta ku helnay.

Saraakiisha waxay sheegeen in askari walba oo kamid ah ciidankaas lasoo wado uu mushaarkiisa noqon doono 300 oo Dollar taasoo ka dhigan inay xagga mushaarka la simni doonaan ciidanka la yiraahdo Gorgor oo qaato mushaar ahaan 300 oo Dollar.

Ciidankaan Soomaalida ah ee ku sugan wadanka Eretariya waxaa dhawaan loo jeediyey eedeyn culus. Shacabka ku nool Gobolka Tigrey ee woqooyiga wadanka Itoobiya ayaa sheegay in ciidan Soomaali ah ay xasuuq ka geysteen Gobolkooda.

Wargeyska Canada kasoo baxa ee Globe and mail ayaa marqaatiyaal uu wareystay waxay sheegeen in Militariga Soomaaliya ee la socday ciidanka Eretariya inay xasuuq badan geysteen.

Dowladda Federaalka kama hadal eedeyntaas mana beenin, taasoo sii badisay shakigii laga qabay in ciidanka aay qeyb ka ahaayeen dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Itoobiya.