Ciidamada NISA ayaa magaalada Muqdisho ku xiray Ganacsato iyo Gaadiidley lagu eedeeyay in aay xiriir la yeesheen ururka Al-Shabaab, balse markii danbe la ogaaday in loo xiray heyb sooc.
Ganacsatada ayaa dhammaantood ka soo jeeda beesha Abgaal waxaana muddo ka badan usbuuc aay ku xiran yihiin God Jilicoow halkaas oo lagu jir dilay sida aay sheegeen qaar ka mid ah qoysaska Ganacsatada.
Ganacsatada xiran ayaa waxaa ka mid ah, Maxamuud Cumar Caddaan iyo Cadceed Cismaan Shuuriye iyo ilaa 7 xubnood oo kale oo ka tirsan Guddiga ganacsada iyo Gaadiidleyda Gobolka Banaadir.
Ciidamada gaarka ah ee NISA ayaa Ganacsatadan guryahooda kasoo qabtay, mana jirto ilaa iminka wax maxkamad ah oo weli lasoo taagay, iyadoo wararku sheegayaan in loo heysto xiriir ay la sameeyeen Alshabaab oo ay u tageen arrin ka dhex taagan Guddiyada Ganacsatada iyo Gaadiidleyda Muqdisho.
La-taliyaha Madaxweynaha Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Sh/ Cali Wajiis) ayaa VOA-da u sheegay inaysan habooneyn in ganacsatada waaweyn loola dhaqmo sida denbiilayaal, ayna leeyihiin xasaanad dabiici ah, wuxuuna intaas ku daray in Ganacsatada uu cadaadis ka heysto Alshabaab.