(Xog) Cabdiraxman Cabdishakur oo codsaday in laba qof loogu daro Guddiga Doorashooyinka

Reading Time: < 1 minute

Ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa noo sheegay in dowladda federaalka ay ugu dambeyn ogolaatay in wax laga beddelo guddiga lagu muransan yahay ee doorashada, taasi oo caqabad ku noqotay in dalka ay ka dhacdo doorasho.

Guddigan ayaa waxaa diiday qaar ka mid ah madax goboleedyada iyo mucaaradka dalka, ayaga oo sheegay inay ku jiraan shaqaale dowladeed iyo saraakiil ciidan, gaar ahaan kuwa ka mid ah sirdoonka.

MOL oo la xiriirta qaar ka mid ah mucaaradka waxay noo sheegay in aanay jirin codsi aay gudbiyeen iyo liis laga sugaayo, waxayna sheegeen in uu codsigooda yahay in lakala diro dhammaan guddiga Doorashooyinka oo lagu soo xulay qaab waafaqsaneyn wixii lagu heshiiyay, balse loo soo xushay in lagu boobo doorashada.

Waxaa warbaahinta lagu sheegay in Dowladda ay mucaaradka u qabatay inay saddex cisho kusoo gudbiyaan liiskan, waxaana ay ku eg tahay caawa, sida aan xogta ku helnay, balse Mucaaraadka aay beeniyeen warkaas.

MOL ayaa ogaatay in musharaxa kaliya ee codsaday in guddiga dad loogu daro uu yahay Cabdiraxmaan Cabdishakur, taasoo timid kulan isaga iyo RW Rooble usbuucan ku dhex maray xafiiska RW Rooble.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa sare u kacay dadaallo ay wadaan qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada, si xal looga gaaro muranka doorashada.

Dowladda federaalka ayaa waxaa kasii dhammaanaya muddo xileedka. Baarlamanka ayaa muddo xileedkiisa ku ekaaa 27-kii December, waxaana madaxweynaha u haray kaliya hal bil, ayada oo waqtigiisa uu ku egyahay 7-da Febraayo 2021.