[XOG] Beesha Caalamka oo isha ku haysa Qalalaasaha aay Farmaajo & Fahad ka wadaan Garbahaarey iyo Beledweyne

Reading Time: < 1 minute

Kooxda uu hoggaaminayo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo La-taliyihiisa Fahad Yaasiin ayaa qalalaase doorasho ka wada magaalooyinka Beledweyne iyo Garbahaarey.

Labadan magaalo oo ah degaan doorashada labaad ee dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa waxaa ka taagan xalaado adag oo ay hakad ku jirto doorashadii kuraastii taalay, taasoo ay ugu wacan tahay faragelinta Villa Somalia.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo oo hoos taga Hay’adda NISA ee Villa Somaliya maamusho ayaa maanta ku dhawaaqay Amar ku socda Shirkadaha Diyaaradaha Dalka oo ay uga digeen inay soo qaadaan Xubnaha Guddiga qiimeynta Garbahaareey ee u magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay sheegeen inay ka mamnuuceen magaalada.

Dhinaca kale magaalada Beledweyne waxaa la hakiyey doorashada 11-kursi oo ku harsanaa, kadib xaalada amni iyo khilaaf hannaanka doorashada ah oo u dhaxeeya madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Yuusuf Dabageed oo si weyn ugu xiran Farmaajo iyo Fahad Yaasiin uu doonayo in inta badan kuraasta loo xiro xubno ay wadato madaxtooyada Soomaaliya, halka ali Guudlaawe uu arrintaasi ka horjeedo.

Musharixiinta aad uga horjeeda Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Beledweyne, iyadoo qaarkood ay hubeysan yihiin, waxaana laga cabsi qabaa in xaalad amni ay ka dhalato haddii la boobo kuraast sida adag la isu gu hayo.

Kooxda Farmaajo ayaa hadda u muuqata inay gacanta ugu weyn ku leedahay qalalaasaha Doorashada, ayna hortaagan tahay in lasoo gabagabeeyo, iyadoo Jubbaland iyo Hirshabeelle ay ugu danbeeyeen maamullada ay kuraasta ugu badan ku harsan yihiin.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa isha ku haya falalka keeni kara dagaal ee Fahad & Farmaajo ka wadaan magaalooyinka Garbahaareey & Beledweyne, MOL ayaa ogaatay in Wakiilada Beesha Caalamka aay maalmaha soo socda ka hadli doonaan faragelinta Villa Somalia ee Doorashada.