Xog ay MOL Heshy ayaa Shegeysa in Weerarka Yeed iyo Aato Turkiga lagu Qorsheeyey.

Reading Time: 2 minutes

Weerarka ayaa waxaa lagu qorsheeyey dalka Turkiga markii ay isugu tageen Fahad Yasiin iyo LaftaGareen, oo kaashanaya xubno Ła shaqeynayey dowladii NN, kuwaas oo galanta ku haya  kooxaha hubeysan ee ka jira gobolka Gedo.

Ururka Alshabaab ayaa weerar ku qaadey saldhigyo ciidan oo ay lahaayeen ciidamada Liyuu Booliska dawlad deegaanka Soomaalida, saldhigyadaasi oo ku yaallay degmooyinka Aato iyo Yeed ee gobolka Bakool, waxayna halkaas ku dileen askar badan, kuna qabsadeen saldhiggii halkaas ku yiilay muddo kooban.

Dowladii dhacday ee NN, Laftagreen iyo maleyshiyaadka Alshabaab ayaa hadda noqday kuwa isku ujeeddo ah, waxayna aad u daneynayaan inay dowladda Federaalka Somaliya iyo tan Itoobiya ay iska horkeenaan si dowladda Xasan Sheekh u fashisho.

Laftagareen oo ay doorasho ku soo fool leedaay ayaa waxaa uu rabaa in ciidan Itoobiyaan ah ay gudaha Somaliya u soo galaan si ay ugu kaalmeeyaan inuu mar kale doorashada ku soo noqdo.

Sidoo kale waxaa hadda Itoobiya ku soo socda Fahad Yasiin, Kulane jiis iyo Laftagreen si ay dowladda Itoobiya uga gadaan inay kordhiso faragelin cusub oo ku wajahan gobollada Bay iyo Bakool. Gedo ayaa waxaa la soo sheegayaa inay horayba gacanta ugula jirtay oo Itoobiya gudaheeda shir ugu qabateen odayaal dhaqameed iyo madaxda Maleyshida Marreexaanka ee ka soo horjeeda Axmed Madoobe.

Waxaa isna dagaalkaa dhinac kaga jira maamulka dowlad Degaanka Somalida oo ka cabsi qaba in Madaxweynahooda Mustafe Cagjar kursigiisa uu Meesha ka baxo haddii xiriirka Somaliya iyo Itoobiy uu hagaago, taas oo keeni karta inaan waxba laga warsan arrimahan socda ee Muqdisho iyo Addis ay toos u xiriiraan.

Marka la soo xooriyo weerarka ay shabaab ku qaadeen Yeed iyo Aato ma ahayn mid ay kaligood fulin karaan haddii aaney gacan ka helin:

Tan kowaad: Laftagareen oo ay maleyshiyada Shabaab sii dhex maraan waayo weerarka JIlib ayaa laga abaabulay waxaana uu sii dhex maray ciidankaas Jubada dhexe ka tagay Baay ilaa Bakool oo uu Laftagareen ka taliyo

Tan Labaad: Dowlad Degaanka oo  indhaha ka qarsatay waayo ma awoodi lahayn shabaab inay qabsadaan saldhigga ee inta ku dhuftaan ayey ka dhaqaaqi lahaayeen balse waa loo fududeeyey.

Intaan oo dhan waxaa loo sameeyey in la iska horkeeno Somaliya iyo Itoobiya waxaysa u muuqataa inaysan shaqeyneyn waa labada dalba hadda cadow inay abuurtaan uma baahna oo mid waliba waxaa saaran culeyskiisa siyaasadeed, dhaqaale iyo amni. Weerarkan oo Turkiga laga soo qorsheeyey sidii la rabay ayuu u dhacay laakiin sidoo la rabay ugama soo baxayaan danihiin laga lahaa laba dowladood oo is faham ka muuqdo darted.