Afar Xisbi siyaasadeed oo ka mida xisbiyada isdiiwan galisay oo ay hogaamiyaan siyaasiyiin kala duwa ayaa qoraal ay soo saareen walaac kaga muujiyay xaalada siyaasadeed iyo xasarad amni oo ay sheegeen inay ka aloosan tahay deegaanada Galmudug, taasoo ka dhalatay Ciidamo xad dhaaf ah oo dowladda Federaalka u daabuleyso magaalada Dhuusamareeb.
Xisbiyada Wadajir, Ilays, Horusocod Qaran iyo Xisbiga Nabadda ayaa war saxaafadeed kaga arimaha amni-darro ay keeni karto ciidamada lagu daabulayo Dhuusamareeb, ayna fursad u noqon karto Argagixisada, iyagoo xusay in Dhuusamareeb ka mid tahay deegaanada ugu nabdoon. Xisbiyada ayaa ku baaqay in la fuliyo heshiisyadii dhex maray dowladda Federaalka iyo Ahlusuna, si loo dhameystiro dhismaha maamulka Galmudug oo loo dhan yahay, si shirka dib u heshiisiinta u mira dhalo, lagana war sugo shirka Hobyo.
Hadalka Xisbiyada ka soo baxay ayaa ku soo aadaya iyada oo xaalada siyaasadeed ee deegaanka Galmudug gaar ahaan magalaada Dhusamareeb ay ka sii darsayso, taas oo laga baqayo in ay keento dagaal iska horimaad ah.