Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa waxa ay sheegtay in Xisbiyada sida KMG ah u diiwaangashan aysan u diyaarsaneen ka qeybgalka doorashada dalka ee sanadka 2021.
Waxa ay sheegtay in ay wadaan guddiga doorashooyinka diyaarinta habkii lagu geli lahaa doorashada dalka oo ay ugu horeeyaan Shuruucda doorashada.
Waxa ay intaa ku dartay in mudo labo sano ah ay diiwaan galiyeen xisbiyo kuwaas oo ay sheegtay in ilaa iyo iminka aysan isku diyaarinin doorashada balse ay ku eedeysay inay wadaan ololihii doorshada oo aan lagaarin waqtigaan.
Xisbiyada sida KMG ah isku diiwaan galiyay ayaa waxa horyaalla sharuudo badan oo ay qeyb ka yihiin in xisbiga laga doonaayo in 18ka gobol ee dalka 9 kamid ah ugu yaraan uu ku leeyahay xafiisyo iyo in xisbiga uu heysto toban kun oo qof oo xubin ka ah xisbiga oo aanan ku jirin xisbi kale.
Halkan Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil