Xisbiyada Mucaaradka Turkiga oo ka horyimid $30 Milyan loog deeqay Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Xisbiyada mucaaradka  ee dalka Turkiga ayaa si adag uga horyimid kaalmo dhaqaale oo dowladda Turkigu ugu yaboohday Soomaaliya. Dowlaha Turkiga iyo Soomaaliya, ayaa maalmo ka hor kala saxiixday heshiis ku saabsan kaalmo dhaqaale oo gaaraysa $30 malyan oo Dollar, taas oo dowladda Turkigu siinayso xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xisbiyada Mucaaradka Turkiga ayaa sheegay in dalkooda ay ka jirto dhaqaale la’aan daran, islamarkaana uusan awoodin uu lacagta intaas le’eg siiyo Soomaaliya. Lacagta uu Turkigu ballan-qaaday Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa, xilli Soomaaliya ay ka bilaabatay doorashada madaxtinimada 2021, taas oo lagu dooranayo labada Aqal ee Baarlamanka iyo madaxweynaha dalka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!