Shir ay Maanta Magalada Hargeysa ku yeesheen Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ee Soomaaliland UCID iyo WADANI, iyaga oo shirkooda kaga hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliland.
Shirkooda kadib ayaa waxaa ay soo saareen War-Saxaafadeed ay ku sheegeen in, iyaga oo tixcraacaya warqad horay uga soo baxday Madaxweyne Muuse Biixi & heshiiskii Saddexda Xisbi ay Magacaabeen laba Xubnood oo ka socda labada Xisbi,kuwaas oo guddiga doorashooyinka Cusub ku metelaya Xisbiyadooda kuwaas oo bedelaya Guddigii hore.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen nin Madaxweynaha uu xaq u leeyahay ka Shaqeynta doorashooyinka,hayeeshee ay gateen in laga wada Shaqeeyo si looga gudbo wixii caqabado ah ee soo baxa.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland.