Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland oo qaadacay Go’aankii Golaha Guurtida

Reading Time: < 1 minute

Kulan ay usugu yimaadeen Xisbiyada Mucaaradka ee Ucid iyo  Wadani oo ka dhacay Xarunta Xisbiga Wadani ayaa waxaa loogaga Soo horjeestay Guddiga doorashada Soomaaliland iyo go’aankii guddiga Guurtida ee muddo kordhinta loogu sameeyey Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Kulankaa oo aad u xiisa badnaa ayaa Waxa ay Xisbiyadu kasoo sareen War saxaafadeed  ay intiisa badan ku dhaliilayaan Hogaamiyaha Soomaaliland Muusa Biixi Cabdi waxa ayna sheegaeen in uu yahay mid u dhaqmaya digtatoore xukunka xoog kula waeegay.

Xisbiyada mucaaradka Soomaaliland ay sheegeen inay kasoo horjeedaan muddo kordhinta ay golaha guurtida u sameeyeen xubnaha Golaha Wakiilada Soomaalilanmd,isla markaana aan lagala tashan.

Ugu dambayntii War-Saxaafadeedka oo uu Warbaahinta u Akhriyey Pro Abyan ayaa waxaa lagu sheegay inay go’aan ku gaareen inaysan la Shaqeyn Guddiga Cusub ee doorashadooyinka Soomaaliland inta ay ku jiraan Xubno lagu muran san yahay .