Xisbiyada Mucaaradka oo ku dhawaaqay Isbahaysi cusub Iyo nuxurka heshiiska ay gaadheen

Reading Time: < 1 minute

Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa waxay hadda magaalada Hargeysa kaga dhawaaqeen isbaheysi cusub, kadib ku dhawaaqistii natiijadii u dambeysay ee doorashooyinka Somaliland.

Labada Xisbi ayaa isbaheysigan cusub u magacaabay hogaan isku-dhafan oo ka tirsan Waddani iyo Ucid, waxayna ka shaqeynayaan sidii labada xisbi ay u hanan lahaayeen hogaanka golaha wakiilada iyo deegaanada.

Guddiga hogaaminaya isbaaheysigan cusub ayaa waxay tiradoodu dhan tahay 10 xubnood, kuwaasi oo min 5-xubnood ay soo magacaabeen hogaanka xisbiga Waddani iyo Ucid.

Hogaanka labada xisbi ayaa isku raacay in hogaanka u sarreeya ee golaha wakiilada iyo midka degmada Hargeysa laga faro maroojiyo xisbul xaakimka Kulmiye oo muddooyinkiid dambe hogaanka u hayey.

Halkaan ka aqriso qoraalka ay ku heshiiyeen labada dhinac 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!