Xisbiga Waddani oo ka horyimid qorshaha in doorashada la dhaafiyo 2019

Reading Time: < 1 minute

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee Somaliland ayaa dib-u-dhaca doorashooyinka Somaliland ku tilmaamay  mid ay masuuliyadeeda qaadayso xukuumadda, waxaanu sheegay in xisbi ahaan aanay qayb ka ahayn masuuliyadda baaqashada, oo ay hore ugu eedeeyeen guddida doorashadu.

Hoggaanka sare ee Xisbigaas oo warbaahintga kula hadlay Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay inaanay doorashadu dhaafin sannadka 2019.

Guddoomiyaha ku meel-gaarka ah ee Xisbiga Wadani Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde ayaa ku eedeyay xukumada in ay iayada mas’uul ka tahay dib u dhaca kana soo horjeedo talaabada ay xukumada qaaday.